” BAR KUMA TAAL ” Gobey cusub oo uu tiriyey Abwaan Xiis Binu Shanfool

0
541

BAR KUMA TAA

23.march.2018

Baxnaanaan ku jiray oo dhawaan baaqyo maan dirine.
Bishimaha umaan furin tixii badiba deerooy’ye.
Murtidaan bandoo saarayee soo bandhigi waayay.
Caawaan albaabada birta soo balaqayaaye.
Bal qiyaasa waxan soo wadaa bogag daboolaaye.

Boqol gaadhe maalmahad xilkaa qabatay biixoow’we.
Balantuna sidii ay ahayd gabay inaan baahsho.
Imikuu shinkii buuxsamoon soo burqanayaaye.
Bismilaahi khayr iyo Shar kaan baanada u qaato.

Bulshadani markay kuu xusheen maamul boqortooyo.
Musuq maasuq baahaa jiriyo baylah fara weyne.
Hanti bidhashadii dhacay dadkoo wada basiiraysan.
Arligeena beel iyo qabiil baadil kala goostay.
Booliga xalaal laga dhigtoo qaranku bay-hoofay.
Baxar-shoonka waatii la yidhi yaa bakhtiin kara’e.
Baandhada markii uu shacbigu baal kastaba eegay.
Baraan degoodii Codkay kuu Sed buriyeene.
Taladii markaad beegsatee adigu soo booday.
Booggaha waxay kaa rabeen inad bogsiisaaye.
Burjigaaga waataanu nidhi yimi bad baadshiiye.

Inkastoo-se hawl baaxad weyn lagugu soo beegay.
Sharcigoo bur buray iyo dalkoo ba,ay laguu dhiibay.
Barashiyo is fahan aad wadoo beelka xidhanaysay.
Wali baadi doon aad u tahay samo inaad beerto.
Xaajadu bartaad ugu timay wali bakaartaaye.
Sixir bararki wuu sii kordhiyo biici suuqyaduye.
Balayn dhaafsan telesom ma jiro inad binaysaaye.
Baankii salaamiyo kolkii zaadki laga baydhay.
Dhibaatadiyo way sii bateen baahiyii jiraye.
Beesadi cidhiidhay gashiyo abu bidaarkiiye.
Sarifkiina waagii beryama sare usii boodye.
Wax barnaamijana lama hayoo damiya buuqaase.
ganacsigi bilaan jiray wakhtigan waa bar kuma taale.
Bakhaaradi wax kala iibsigiyo meheradii buuxay.
Baatroolka iyo raashinkoo shalay ah baystayno.
Bacad joogu maantana ma jaro rubuc bariiskiiyi.
Arrimahays barkanayana haddaad baag u noqon wayday.
Beritana dadweynuhu ogoow way banaan bixiye.
Qodobkaa bayaanshaye haddaan baasha kale fiirsho.
Mid kaloonay wali cidiba bogan baddada aan keeno.

Dekedii berbera ee ahayd xarun barwaaqaysan.
Kolkii carab bustaha loogu dhigay inay ku bashaalto.
Badh kalena Itoobiya la yidhi booba dhinaciina.
Beyskii garoonkana la furay ciidan belo doona.
Bilshigiyo rejada waxa la qabay baajiyaa yimiye.
Iska daa inaad baarigtood baari noqotaaye.
Adigaaba badhi taarayoo baan umaad noqone.
Ma biraysna muusoow waxaan booskan kuu dhigaye.
Bah dilkii doraad iyo wixii bahalku uu geystay.
Bililiqadi xoogaysatee beledka naafaysay.
Umaad noqon bushaariyo xanaan oo baraarugane.
Manaad baadhin nabarada qarsoon beeni raad malehe.
Adigaaba Buun buuniyoo bayl kusii shubaye.
Haddaan baarqab geel kaaga dhigay ridaya boodaanta.
Bidhaan samina aan kugu xushiyo bootadiyo doobta.
Qumintana intoon kuu baraxay hawsha kula baacshay.
bawd-yaha hal qudha maad dul dhigin maanad baashirine.
Waadigan banaan tubay irmaan caano badin-laaye.
Shalay beretankaagii hungiyo hiil bukaan noqoye.
Anoon baro-bagaandhiyo jeclayn shay ku boqon gooya.
Bilowgiiba waxan kaa arkaa maamul baaqsadaye.
Biitaayo maad qaban al-aan kuumanaan bogine.
Mar hadday besteed xaajo tahay talana kaa biiqday.
Iska balaqso waa Amar ALLOO ruuxna burinayne.

Xiis maxamed cilmi (shanfool)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here