Berbera Ciidamada damdamiska oo bakhtiiyay guri gubtay

0
480

Berbera(Ceelgardinews.com )-Shaqaalaha ka hortaga aafada dabka  ee Hoose Ee Berbera Ayaa Ku Guulaystay In Ay Damiyaan Dab ka kacay Guri Ku Yaala Xalafada Barawaaqo Ee Magaalada Berbera.

Dabkan oo ahaa mid sahlan oo aan xawli sare ku baxayn ayaa waxa islamarkiiba ogaaday oo si deg deg ah uxakameeyay kuna guulaystay inay damiyaan shaqaalaha waaxda dabdamiska ee dawlada Hoose ee Berbera iyagoona ku qalabaysan gaadiidka loogu talagay ka hortaga aafada dabka.

Wax khasaare nafeed ahi kamay ay dhalan dabkan waxase waxoogaa gubtay guriga dabku kacaya oo ahaa nooca qadiimka ah ee xaafada Barwaaqo e magaalada Berbera kuyaala.

Halkan Ka Daawo Sawirada

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here