Burcad Badeed Soomaali Ah Oo Weerar Ku Qaaday Markab Marayay Xeebaha Soomaaliya.

0
465

Koox katirsan Burcad Badeeda Soomaalida ayaa la sheegay in  ay weerar ku qaadeen Markab Dagaal oo ku sugnaa Xeebaha Soomaaliya, islamarkaana waxaa  laga leeyahay Hong Kong.

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday  in Hoos u dhac uu ku yimid howlgalada Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida tan iyo Sanadkii 2017-kii.

Warbixin  kasoo baxday xarunta IMB ee la socota dhaqdhaqaaqyadda Burcadbadeeda ayaa lagu sheegay in markabkaasi qal-qal geliyay, balse Ciidamada Saarnaa markab ay iska Caabiyeen Kooxdii burcada aheyd ee Weerarka soo qaaday.

Sarkaal ka tirsan Ciianka Midowga Yurub ee ka howlgalla Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuldareystay in la qabto kooxdii weerartay Markab oo ahed Burcadbadeeda Soomaali ah.

Qoraal ka soo baxay  Midowga Yusub  ayaa lagu  sheegay in ay wali jirto Khatarta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, laakin xilaigan loo baahan in laga hortago.

Burcada Badeeda Soomaalida ayaa Caqabad weyn waxaa ay ku yihiin Maraakibta maraya Biyaha  Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here