Colaad ceel afweyn waxa sabab u ah dadkii goobta wada degaan oo loo talin kari la yahay

0
436

War Saxaafadeed ”

Arinta colaada ee deegaanka ceelafwayn waxay socotay in mudo ah ” waxaana markii ugu dambaysay shalay kadhacay dagaal sababay dhimasho badan iyo dhawaac “iyadoo wararka saaka laga helaayo deegaankaana ay sheegayaan inuu dagaal ka socdo saakana ”

Hadaba dib ayaynu ugu hadli doonaa arimaha colaadaase kale ” balse waxa meesha si cad uga muuqata ka maqnaashiiyaha iyo ka gaabsika masuuliyadii xukumadda ” iyo cida u xilsaaran Amniga dalka ”

Mudo imika laga joogo 22 sanadood oo ku beegan ” hilaadii 1997 ayaa dalka ugu dambaysay ” gaadiid gaashaman ee loo yaqaano tignikada ” oo shacab ama ciidan beeleed leeyahay oo aan dawlada Somaliland ka amar qaadanin ” hadaba markay sidaa tahay .

Waxa la sheegayaa amaba jirta in ay shalay dagaalka beelaha ka qayb qaateen gaadiid gaashaman oo tigniko ah ” waxana sidookale jirtay inay xukumaddu ogayd ciidankaa tignikada wata ee deegaanada ku sugnaa in mudo ahba ” iyadoo ay marar hore si cadaana ay uga dhawaajiyeen masuuliyiin xukumadda katirsani inay ciidamadaasi joogaan deegaano gobolka sanaag ka tirsan ”

Markay sidaa tahay suaashu waxa weeye siday xukumadda Somaliland ugu dulqaadatay ciidamadaa hubaysan ee aan iyada ka amar qaadanin? maxayse talaabo uga qaadi wayday?
belaayo daaman la qabto ayay leedahay ee daaman la qabto malaha ” waxkasta oo sababi kara amni daro ama qayral sharci ah waxa waajib ah in laga hortago dhibkooda ” hadaba marka aynu si xaqiiqo ah isu dul taagno wixii meeshaa kadhacay waxaa ka gaabisay xukumadda Somaliland ” ka gaabiskeeda shaqo iyo xil gudasha la’aaneed ayaa dhabarka u saaraysa masuuliyada wixii meeshaa kadhacay ”

Waxaanan xukumadda uga fadhinaa inay umadda reer Somaliland si cad ugu qeexdo sababta ay ciidan beeleed qayral sharci ah oo tigniko ku hubaysan ay u ogolaatay inay dalka dhex mushaaxaan oo weliba ay ku sugnaadaan meel xaasaasi ah colaadi kajirto ” oo laba beelood isku hor fadhiyaan ” waa masuuliyad daro aan caad ku gudbanayn ” ugu dambayntii waxaan leeyahay xukumadda kulmiye ” suaalahaas oo dhan jawabahooda ayay shacbi waynaha aa masuuliyada u haysaan: ee Somaliland idiinka sugayaan ” |

Xoghaye ku.xigeenka Amniga ee xisbiga waddani Sacad Cali kaahin Balaaki ..

Allah Mahad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here