DAAH-FURKA MASHAARIICDA BIYO BALAADHINTA BERBERA: “DP World Kalgumare water project, AFDB Faradeero Water project & MoWD Kala-jab W. project ” Agaasime Jamaal Cabdi Muuse

0
502

DAAH-FURKA MASHAARIICDA BIYO BALAADHINTA BERBERA: “DP World Kalgumare water project, AFDB Faradeero Water project & MoWD Kala-jab W. project ”
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Ugu horreyn, shalay 01 Sep 2018 wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha JSL mudane SulaymaanYuusuf Cali Koore ayaa ka qayb galay kulan wayn oo lagu daah-furay bilawga mashaariicda biyo balaadhinta magaalada Berbera. Mashaariicdan ayaa ka kooban dhawr mashruuc oo kala ah:

1. Mashruuca Biyo Balaadhinta il-biyoodka Kalgumare “DP World Kalgumare water supply project expansion” oo ay shirkadda DP world maalgalinayso, tirada ceelasha la qoday waxay dhan yihiin 5 ceel biyood, iyada oo 4 ka mid ah shantan ceel lagu xidhiidhinayo biyo sidaha “Main pipe” wayn ee ka yimaadda il-biyoodka Faradeero, kaasi oo il-biyoodka Kalgumare u jira masaafo dhan 7.5km. Halka ceelka shanaad oo masaafo ahaan ka ugu fog ah loogu talo galay in laga dhigo qasabad booyaduhu ka dhaamiyaan “Stanpipe”.

2. Mashruuca Biyo Balaadhinta Bangiga Horumarinta Afrika “AFDB-Faradeero water supply project expansion”, mashruucan ayaa ah mid lagu dayactirayo ceelasha biyaha Faradeero, iyada oo biyaha loo jiidayo xaafaddaha danyarta ah iyo kuwa aan helin adeegga biyaha sida Burco-sheekh, Jaamalaaye iyo Waraabe-u-taagga oo dhaca bariga magaalada Berbera. Dhagax-dhiga mashruucan ayaa ahaa horraantii bishii May 2018, waxaana la fuliyay ogaalka sababaha biyo yaraanta ceelasha iyo sidoo kale qiimeynta baahida dayactirkooda. Hawshuna waxay u socotaa si wanaagsan oo habsami leh.

3. Mashruuca Biyo Balaadhinta Kala-jab “MOWD Kalajab water supply project expansion”, mashruucan waxaa fulisaysa wasaaradda horumarinta Biyaha JSL, balse waxa xusid muddan doorka wayn ee shirkada biyo qodaalka iyo dhismaha ee Ixsaan “Ihsan construction and drilling co” ku leedahay hirgalka mashruucan muhiimka ah. Mulkiilaha Shirkadda Ixsaan iyo hawl wadeenadiisa ayaa ku ammaanan waddaniyadda, dareen-samaanta, ku dhaca, deeqsinimada, kartida iyo geesinimada ku dhiirisay in ay sii fuliyaan mashruucan biyo balaadhinta ee Kalajab. Iyada oo aynna wasaaradda horumarinta biyuhu siin hal dollar oo lacag ah, si loo maareeyo xaaladdii biyo yaraanta Berbera ee xiligii xagaaga. Wasaaradda ayaa heshiis ku balanqaadday bixinta daynta mashruuca biyo balaadhinta Kalajab ee uu sii maalgaliyay mulkiilaha shirkadda Ixsaan.

Run ahaantii, hirgalka Shirkadda Ixsaan ee aagga il-biyoodka Kalajab, waxa ka mid ah qoddobadan soo socda:
• Gabyan iyo jaajuur lagu wareejiyay/xidhay afar ceel oo ku yaalla dooxa kalajab.
• Beebkii oo lagu guray/riday afarta ceel ba.
• Waxa la socota qodaalka 8km oo la dhigayo beebka biyaha qaadda.
• Daynabooyinkii iyo beebkii la dhigi lahaa 8km oo u diyaar ah.
• Waxa la dhammesytiray sameynta/dhismaha Taangi 50 meter cube ah, maqsinada mashiinada iyo waardiyaha.

Allaa mahad leh

#GUUSHA_BIYUHU_WAA_GUUSHA_QARANKA#

Jamal A. Muse

AG. Guud ee W.H. Biyaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here