Dawlada Shiinaha Oo Xadhiga Ka Jartay Buundada Ugu Dheer Dunida Ee Bad Dul Marta

0
445

Hargeysa ( Ceelgardinews.com )-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa si rasmi ah u furay buundada ugu dheer adduunka ee kormarta bad, arrintan ayaa qabsoontay ka dib sagaal sano oo dhisme lagu waday marinkaas.

Marinkan ayuu dhererkiisu yahay 55km wuxuuna isku xidhayaa Hong Kong, Macau iyo dhulwaynaha Shiinaha.

Buundada dunida ugu dheer oo bad dusheed laga dhiso.

Buundadan waxaa ku baxay 20 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, marar badan ayuuna dib u dhac ku yimid.

Samaynta buundadan waxaa soo wajahay walaacyo dhanka badqabka ah, ugu yaraan 18 ruux oo shaqaalihii dhisayay ka mid ah ayaa dhintay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Madaxweyne Xi ayaa ka qaybgalay xafladdii xadhiga lagaga jarayay oo ka dhacday Zhuhai waxaana ku weheliyay hoggaamiyeyaasha Hong Kong iyo Macau. Gaadiidka caadiga ah ayaase waddadan isticmaali doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here