Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL oo ku guulaystay inuu soo af jaro khilaafkii Wasaarada Warfaafinta u dhexeeyay +Sawiro

0
360

 

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland ayaa ku guulaystay inuu soo af jaro khilaafkii daba dheeraaday ee u dhexeeyay shaqaalaha wasaarada warfaafinta qaar ka mid ah iyo Masuliyiinta wasaarada

wuxuuna ku guulaystay inuu dib u shaqo bilaabaan shaqaalihii

“Waxaa maanta si gobonimo badan u soo gebo-gaboobay khilaaf kooban oo ka dhex jiray Madaxda iyo tiro kamida Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

-Iyada oo mudooyinkii u dambeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku hawlanayd dhamaystirka khilaafkaas kooban isla markaana dedaal ugu jirtay bilowga bog cusub oo sharcigu sal u yahay ayaa maanta arinkaasi ku soo dhamaaday guul iyo qaranimo.

-Waxaan ku adkaynay ku dhaqanka sharciga, ixtiraamka dhexdooda iyo ilaalinta milgaha iyo haybada dawladnimada

-Waxaa tallaabo loo qaaday dhanka hufnaanta iyadoona lagu ballamay laab xaadhan iyo shaqo sharaf le

-Ma jirto cid gaar u guulaysatay waxaase maanta guulaystay SHARCIGA , waxaana muuqatay in hay’adaha dawladdu dhexdooda wax dhamaysan karaan

-Waxaa hubaal ah in qof walba qaldamo waxaase sharaf ah in qiraal kadib lagu qanco oo qalbiga la isku furo.

-Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo si waayeelnimo badan ka muuqato arinkaas aan galnay noola dhameeyey isa markaana qalbi iyo gacmo furan ku soo dhaweeyey shaqaalihii mudooyinkii u dambeeyey ka maqnaa hawl maalmeedkoodii shaqo.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here