“Haddaan Anigu Madaxweynihiyo Noqon Lahaa Muuse Manhaj Kiisa Kuma Sii Socdeen Maamulkii Hore e”Musuq maasuqaan joojin laa miridhka Koobaade” Ragna Waan Maxkamadayn Lahaa Macalo Waaweyne”Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed

0
345
 

Haddaan Anigu Madaxweynihiyo iyo noqon lahaa muuse

Manhaj kiisa kuma sii socdeen maamulkii hore e”

Musuq maasuqaan joojin laa miridhka koobaade”

Ragna waan maxkamadayn lahaa macalo waaweyne”

Haddaan anigu madaxweynihiyo noqon lahaa muuse”

Dalka waan ka maanici lahaa magac imaaraade”

Millateriga waan celin lahaa soo muqaabilane”

Marsadayda gaar ka ah cid kale ilama maasheene”

Haddaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse”

Wasiirrada rag wada muunadaa ii meteli laaye”

Waxaan miidhan laa qawlal weyn meel i geyn kara e”

Majaraha qabtaan odhan lahaa mici maraarroow e”

Haddaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse”

Waad mahadsantaan odhan lahaa muuminkaa sacade”

Axmed baan muhiibsiin lahaa maakinkaa culuse”

Mansab sare jamaalbaan sidaa maxamed geyn laaye”

Hadaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse”

Ways maca salaamayn lahayn midowga jeegaane”

Qolyaha i mucaaridaya baan soo muslixi laaye”

Mixnaddaan illoowsiin lahaa lays la soo maraye”

Haddaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse”

Subayriyada meeqaamo badan kuma macsuumeene”

Miisaanka beelaha kalaan magane siin laaye”

Waxaan maanta reer furi lahaa minan caddaaleede”

 

 

Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here