Hadiiba mareeyihii guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland uu Madaxwaynihii Tv yada fariimaha u marinayo Shacabkuna

0
374

Dowlad nimadu waxay leedahay Haayado, Waaxo, laamo Madax iyo Mijo,
Dowladnimadu waa sharaf iyo qurux markay raacayso hanaankeeda iyo habraacyada u dejisan ,
Wase jab iyo hoog markay jar iska xoorto ee milgaheeda iyo maamuskeedaba la kufsado.
Waxa aad iyo aad ii cajab galiyey markaan Tv ga ka daawaday Mareeyaha guud ee Dekadaha Jamhuriyada Somaliland oo Madaxwayanah fariin cabasho ah oo qusaysa dhulkii Noobiyada warbaahinta u marinaya Madaxwaynaha ,
Si aynu u fahano inay maangal tahay oo ay jirto duruuf sababtay oo ku kaliftay mareeyha inuu fariin madaxwaynaha Tvga u mariyo bal aynu yar eegno Halkeebay Dekedu kaga jirta Jaranjarada Maamul ee Dowladeena ,

 

1. Dekadu waxay toos u hoos tagtaa Madaxtooyada
a) Mareeyaha waxa magacaaba Madaxwaynaha
b) Wuxuu warbixinaha toos u siiya Madaxwayanaha
c) Uma sii maro Wasiir si uu ula xidhiidho madaxwaynaha
Hadaba su’aasha dad badan oo aan ka mid ahay , ay iswaydiinayaan ayaa ah maxay noqon karaan Asbaabaha ku kalifay maareeyaha inuu sida shacabka madaxwaynaha tvga ugala hadlo ama warbixin ka siiyo.
Aniga rayi ahaan waxay ila tahay qodobadan midkood
1. Aqoon la’aan dhanka maareeyaha ah oo uu sidanba sax mooday
2. In maarayaha loo diiday inuu madaxwaynaha la kulmo si uu warbixina ugu gudbiyo
3. In warbixinaha qoraalka ah ee Maareeyuhu uu madaxwaynaha u qoray aanay gaadhin , waa haday jiraane
4. In madaxwaynuhu u dhogooleyey Maareeyaha , oo uu waxba ka qaban waayey talooyinka mareeyahu soo jeediyey oo sidaas darteed mareeyuhu markhaati gashanayo shacabka in isagu(maareyuhu) arinkaas bari ka yahay
Guntii iyo gabogabadii ma dhaliilayo fariinta lafteeda ee waxaan dhaliilaya qaabka loo gudbiyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here