Hambalyo : Maareeye Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Qarranka oo Hambalyo u direy dhamaan ummada islaamka

0
380

Saaxil ( Ceelgardinews.com ) :- Maareeye Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Qarranka Mudane Cafaan Xaamud Cabdoo oo Hambalyo u direy dhamaan ummada islaamka gaar ahaaan shacbiga Soomaaliland , wuxuu sidoo kale hambalyo u direy Madaxweynaha Qarranka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi , Ku xigeenka Mudane Cabdiraxman saylici iyo xaasaskooda , Ciidamada kala duwan ee Qarranka iyo Xaasaskooda.

Wuxuu Maareye Xigeenku sidoo kale hambalyo balaadhan u direy dhamaan shaqaale waynaha Haamaha kaydka shidaalka qarranka iyo xaasaskooda oo uu u rajeeyey inay farxad ku ciidaan Allena sw ka aqbalo acmaasha saalixaadka ah ee ay soo qabanayeen .

Wuxuu Alle sw uga baryey in waddanka nabada iyo barwaaqada uu ku sugan yahay usii siyaadiyo gaadhsiiyana Ictiraaf balaadhan .

 

Allaa Mahad leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here