Haweeney xabsi loogu xukumay daroogo ay ku qarsatay taakada kabaheeda

0
417
Kabihii daroogada lagu qariyey                                   Lahaanshaha sawirkaAUSTRALIAN BORDER FORCE
                                                Kabihii daroogada lagu qariyey

Waxaa xabsiga loo taxaabay haweeney Maraykan ah oo taakada ciribta dambe ee kabaheeda ku soo qarisay daroogo ay dooneysay iney u gudbiso waddanka Australia.

Denise Marie Woodrum, oo 51 jir ah ayaa sannadkii la soo dhaafay lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Sydney ka dib markii ay booliska xuduudaha ka heleen daroogada cocaine-ta oo ay ku qarsatay taakada dheer ee kabaha dumarka.

Bishii Janaayo ayay qiratay dambigeeda, hase ahaatee waxay sheegtay in la khiyaanay oo ay falkaas ku khaldeen dad dhinaca Internet-ka wax ku marin habaabiya.

Garsoore qaadeysay dacwaddeeda ayaa ku heshay caddaymo muujinaya iney raali ka ahayd howshaas gudbinta daroogada ah.

Khamiistii ayay maxkamadda gobolka New South Wales ee dalka Australia ku riday xukun xabsi ah oo gaaraya toddoba-sano-iyo-bar.

Garsoorka ayaa ku gacan seyray sheegashada haweeneydaan oo ah ineysan waxba ka ogeyn arrintaas.

Doodda ku saabsan in la khiyaanay

Qareenkeeda oo lagu magacaabo Rebecca Neil, ayaa ku qeexday in haweeneydaas ay tahay qof aan wax dambi ah lahayn oo lagu khalday xiriir diimeed oo lagula sameeyay dhinaca Internet-ka.

Hase ahaatee garsooraha maxkamadda ayaa ugu dambeyn sheegtay in aysan ku qancin sheekada ku saabsan in la marin habaabiyay.

Denise Marie Woodrum ayaa muddo afar sano-iyo-bar ah ka dib fursad u heli doonta suurto galnimada in la cafiyo oo xabsiga laga sii daayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here