HAWL-GALKA SOBBA/THE SOBBA MISSION: Q-3. Agaasime Jamaal A Mouse

0
778

HAWL-GALKA SOBBA/THE SOBBA MISSION: Q-3.

Hordhac:
—————

 

Socdaalka SOBBA “Socdaalka Ogaalka Baahiyaha Biyaha” waa Hawl-fulin la xidhiidha Ogaalka Baahiyaha Biyaha dalka. Dabcan maalmaha firaaqadda amma shaqaddu kooban tahay ayay madaxda iyo mas’uuliyiinta wasaaraddu ugu kuurgalaan xaaladda biyaha kolba degmo amma gobal ka mid ah dalka.

SOBBA-1, waxaan ku tagnay gobalka Hawd, SOBBA-2 waxaan ku kormeernay gobalka Gabilay, halka SOBBA-3 aannu ku gaalaabixinnay degmada Sabawanaag ee dhacda bariga iyo koonfur bari caasimadda Hargeysa. Xaqiiqdii, Socdaalkan SOBBA-3 oo ay igu wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhaiinta iyo Tignoolojiyadda JSL, guddoomiyaha degmada Cadaadley, guddoomiyaha degmada Sabawanaag, qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL iyo Xubno kale. Waxaan maanta ku aadnay degmada Sabawanaag.

Maanta, Degmada Sabawanaag & Ogaalka B. Biyaha:
————————–
Ugu horreyn, waxa aannu Hawlgalka SOBBA-3 ka fulinnay:
1. Deegaanka Bander Wanaag, halkan waxa ku yaalla Ceel riig ah oo lay sheegay in la qodday 58 sanno ka hor, waa ceel waraabiya degsiimo masaafadeedu gaadheyso 100 Km, waa ceelka kaliya ee ay lahayd degmada sabawanaag muddo dheer. Kanbalka Ceelka waxa ku yaalla biyo xidheen kooban oo loogu talo galay biyo kordhinta biyaha dhulka hoose ee ceelka. Xiligan ceelku ma shaqeeyo oo tuuladu kama cabto cillado jira darteed. Waana arrin u baahan hawlo farsamo, cilmiga Injineeriyadda iyo kharash xooggan. Bander wanaag waa magaalo qadiim ah oo muddo dheer jirta, balse hadda u muuqata laga guureen qabyo badan. Ceelka Bander wanaag oo ahmiyad wayn u leh deegaanka bariga Hargeysa, waxaan ka diyaarin doonna aniga iyo kooxda wasaaraddu ogaal baahiyeed oo aannnu la wadaaggi doonno Wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha.

2. Tuulooyinka Kaam Cumar, Caga-doon, Balli Cawad, Qoton iyo qaar kale oo badan ayaan lahayn hannaanka biyo galinta iyo il-biyoodyo la hubo. Tusaale ahaan ceel dheer iyo biyo xidheen toona. Kaliya waxa il-biyood u ah Barkaddo muddo kooban hayn kara.

3. Balli-Kaliil, Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL oo kaashaneysa deeq-bixiyaha Bangiga Horumarinta Afrika iyo wakiilka Bangiga oo ah Hay’adda caalamiga ah ee CARE oo barnaamijka Horumarinta Kaabeyaasha Addeegga Biyaha “WIDR Project” fulintiisa la wadaagta Wasaaradda ayaa Mashruuc Biyo galineed ka hirgalisay Tuulada Balli-kaliil. Waxayna maanta reer Balli-kaliil ka cabbayaan kiyoosyo iyo biyo qasabadeed oo la mid ah kuwa Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland.

4. Labisaagale, waxay Wasaaradda Biyaha iyo Bangiga/Hay’adda AFDB/CARE dhawaan bixiyeen qandaraaska dayactirka iyo casriyeynta biyo xidheenka Labisagaale.

4. Magaaladda Sabawanaag”Maxamed Axmed” oo xarun u ah degmada Sabawanaag ayaa leh labo biyo xidheen iyo labo ceel oo riig ah. Dhab ahaantii, waxaan la yaabay hanaanka farsamada xidhiidhinta amma wadaagsiinta hal moos labo biyo xidheen oo ku kala yaal labada dacal ee magaaladda. Waxa xusid iyo mahadnaq muddan soo dhaweyntii iyo sooryeyntii dadka gobta ah ee reer Sabawanaag.

Sabawanaag Iyo baahiyaha Guud:
———–
Si guud oo ay dalka la wadaagto degmada Sabawanaag waxa ka jira baahiyahan soo socda:
1. Baahidda Helitaanka Biyaha,
2. Baahidda Macaaneynta/Sifeynta Biyaha,
3. Baahidda Joogteynta dayactirka,
4. Baahidda Dhismaha/ Qodista Iyo fidinta Adeegga Biyaha, sida Biyo xidheenno, Ceelal dhaadheer iwm.
5. Baahidda Tacliinta iyo goobaha Tacliinta,
6. Beeridda Dalagga Beeraha,
7. Xannaaneynta Xoolaha,
8. Baahidda Adeegga Caafimaadka.

Ugu danbeyntii, ogaal ka dib ayaa qorsheyn iyo fulin la sameyn karaa, waana muhiim in aannu daah-qqadno ogaalka baahiyaha biyaha degmada Sabawanaag. Ka dibna aannu la wadaagno ogaalka baahidda biyood ee degmadda Sabawanaag Wasiirka Wasaaradda oo ah odayga hagidda guud iska leh. Sidoo kale, ogaal doonka maanta ayaa noqon kara qorsheeyaha berito iyo fuliyaha saandanbe. Sidaa awgeed ha laysku dulqaato reer sabawanaagow.

Allaa mahad leh.
Wada shaqeyn wacan.

Jamal A. Muse.

AG. Guud Ee W. H. Biyaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here