HORMOOD KU XUSNAA HIRGELINTII HAYBADA DEGMADA BERBERA MUSTAFE AXMED C/LAAHI –XOOLOOW 1976-2015 (QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF )

0
399

 

Waa Arooryo hore oo Axad ah, Tirsiga miilaadigu waa 9.8.2015 taariikhda hijriyaduna waxay maraysaa 24kii Shuwaal 1436

Xiligu waa xagaa kulaylka cimilada iyo dhawaaqa tukuhu hurdada ka toosiyeen badiba umadda Reer Berbera, war xumi dugsi ma fadhiyee amin ku siman ilaa 6:am (Subaxnimo oo wax dheeryihiin ayaa Nin dhalinyara ah oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Koodhyar uu igu salaamay  miyaanad maqal in Saaxiibkaa dhintay, intaanan waa kee odhan ayuu ii raaciyey Ninkii Xildhibaan Mustafe Xooloow ayaa Gaadhi la dhacay, Naxdin qiyaasteeda aanan cabiri karin,  ayaa sare iyo hoosba Iwada saaqday,(INAALI LAAHU WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN, ALAA YAA ARXAMA RAAXIMIIN) intaananse si faahfaahsan u weydiin  goorta shilkani dhacay  ayuu ii raaciyey inay jiraan laba qof oo Baabuurka  la socday oo mid yahay    Xuseen Saleebaan Garas oo Shaqaalaha Dekeda Berbera ka tirsanaa iyo wiil yar oo Xildhibaan Mustafe  dhalay, markaa yarka iyo Inanka kale waa dhaawac,(Inaalilaahu wa inaa ileyhi raajicuun), intaa kadib waxaan laba su’aalood ka weydiiyey halka gaadhigu ku dhacay, iyo xiliguu dhacay  ma xalaybaa mise

……waa Saaka si waafi ah ayaanu iiga war siiyey intaa dabadeed waxaan  usoo kacay  Xarunta D/hoose ee B/bera si aan war uga helo halka Aasku ka dhacayo, intaanan soo gaadhin ayaan dhowr qof oo kamid ah ragii ay asxaabta ahaayeen Marxuum Mustafe, Lambaradoodii garaacay, laakiin qof keliya iimay suurtogelin inaan si caadi ah u helo, maadaama  Mobilada intooda badani xidhnaayeen xiligaa,

cidii iigu horaysay ee aan Tlf iska helnay wuxuu noqday  Jaamac-Shiine oo  marxuumka ay  qaraabo ahaayeen,  waxaase igaga timi jawaab aanan filaynin, show warba kama hayo shilkan iyo Geerida dhacday, is-waraysi ka dib waxaan u sheegay inaan kusii dhowahay Dhismihii D/hoose ee B/bera wixii war ah ee aan ka helana aan kusoo celin doono, markaanse imi D/hoose ee B/bera oo Gelin horeba warka haysay, ayaa laygu daray in Xuseen Saleebaan Garas oo markii hore dhaawac iigu  qornaa uu dhintay,sidaana dhimashadu ay laba tahay,  waxaase lay cadeeyay in Wiilkii yaraa ee ina Mustafe dhaawaciisii loola cararay dhinaca Hargeysa,dadkii halkaa ku sugnaa oo qaarkood ahaayeen Xildhibaanada Golaha Deegaanka,Madaxda iyo shaqaalaha D/hoose waxaa lays weydiinayey                                                           Madasha loo qorsheeyay Aaska hadal-hayntuse waxay u badnayd                            Qubuuraha Qaranka ee dhinaca ku haya xerada Guutada ee magaalada B/bera. hase ahaatee saacad waxka yar ayaa warkale soo dhacay,oo sheegaya  in meydkii loo qaaday dhinaca Hargeysa,  oo Qoysaska marxuumiintu ka baxeen ay deganyihiin.

 

Hadaba iyadoo aanay cidi horjoogsan karin qadarka eebe diinteenuna inoo bayaamisay in Nafwaliba dhadhamin doonto Geerida oo ah xaq ina wada sugaaya, ruux kasta oo dunida ka tagana waxaa ka hadha taariikh iyo xusuus Aduunka baaqi ku noqota, taasoo sifaysa khayr iyo  shar wixii qofkaasi caalamka kusoo kordhiyey maalmihii Noloshiisa, Allaha Raxmaanka ah ayaana Adoomihiisa intay Ifka joogaan u qaybiya una doora Saamiga Qofku dunida ku yeesho taasoo Natiijadeedu ku dhamaato in dadka qaarkii Geeridooda ay u Baroortaan Qoyska iyo Eheliyada uu ka dhashay, Halka Badhkalena Dhimashadoodu ka oohiso Qaran iyo Mujtamac Balaadhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here