Israel iyo Somaliland Saaxiibo kala lumay (Israel iyo Somaliland Saaxiibo kala lumay)

0
433

Qalinkii Garyaqaan: Maxamuud-tallaabo

Jamhuuriyada Somaliland, waxay badhtamihii Lixdankii oo la magac baxay Sanadkii qaaradda Afrika ay Xoriyadeeda si buuxda uga qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska iyo Ireland oo ay u ahayd Maxmiyada ay dusha ka illaaliso Boqortooyada iyo Ciidameedu, waxaa markiiba si dhamaystiran u aqoonsaday dalal ay tiradoodu dhan tahay ilaa 36 waddan

Waxaa xusuus mudan in dalkii ugu horeeyay ee waagaa Somaliland u aqoonsaday dawlad madax banaan uu ahaa Dalka Israel

Magaalooyinka Somaliland iyaguna waxay noqdeen halkii ugu horaysay ee Calan Soomaaliyi leedahay laga qotomiyo, dadkaa Reer Somaliland waxaa madax maray galgacal ay u qabeen helista walaalo la kala irdheeyay iyo yeelasho dal iyo cudud intan ka balaadhan

xoriyadaas curatay kumay sii negaanin halkii  loogu wan qalay, maxaa yeelay waxaa bara kiciyay hungurigii Qaran wayne ee la rajaynaayay oo ahaa mid ay

Xilgaa si way u jirtay xamaasadiisii ahayd in dhamaan Soomaali ay xorowdo lana helo ummad iyo dal la yidhaaho Somali-wayn, taasoo ahayd isu keenista Shantii qaybood ee Gumaysigu Soomali u kala jar jaray gacantana ugu geliyay dawladaha kala ah

  1. Ingiriiska/Somaliland,
  2. .Faransiiska/Djabuuti
  3. Talyaaniga/Konfurta Soomaliya
  4.  Kenya/NFD
  5. Ethiopia/Somali-galbeed

Lalabaha olole doonistas inteeda ugu badan waxaa laga shidaayay Somaliland in badan oo Somalida kalena ahina sidaas way la qabtay                                                                                                                                                                   

waxa ka mid ahayd hal ku dhegyadii waaggaa jiray

Shantoo is weheshadaa wacnaydaa,

01/07/1960 oo ahayd Shan maalmood uun ka dib helista xoriyadda bilawga ah, waxay midnimo aan shardi ku xidhnayn la wadaageen Soomaalidii Talyaanigu haystay/ Koonfurta Soomaliy abaal gudka ay halkaa dadkii reer Somaliland ka heleen wuxuu noqday, mid aan ku haboonayn waxaana loo bixiyay magaca ah QALDAAMIIN oo loola jeedo dadkii waallaa

Dawladihii kala dambeeyay ee Koonfur ka dhashay oo fulinaya danahooda siyaasadeed iyo rabitaanka dalalkii Carbeed ee ay sida wayn isu hayeen Dalka Israel,waxay guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed Afka iyo uurkaba ugu rideen Colaadda dadka Yuhuudda/Israeli, taasoo keentay inay Soomaalidu illaawan xitaa abaalkiii aqoonsi ee ay dunida horseedka ugu noqdeen

La soco qaybo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here