Lamaane Facebook iska helay oo lix maalood ka dibna is guursay

0
437

Waxaa ka mid noqon kara dad aadan aqoonin oo kugu soo darsada, qol ay koox furatay oo xubin lagaa dhigo adigoon dalbanin iyo qoraallo iyo sawirro lagula wadaago adigoo aan rabin.
Laakiin nin Nigeria u dhashay ayaa heer cusub gaarsiiyay layaabkii markii uu soo bandhigay xayaysiin aan caadi ahayn.
Chidimma Amedu ayaa qoraal soo dhigay Facebook 30 Disembar, isaga oo dumarka waydiistay in ay la soo xiriiraan haddii ay guur diyaar u yihiin, sida uu BBC-da u sheegay.
Qorsha guurka

“Ma yari oo wakhti badan baan soo noolaa, arrintaasna ma qarinayo, diyaar baana u ahay in aan qirto. Wakhti dambana iskama luminayo.”
“Isoo dira codsiyadiina – gabadha ugu dhibco badata ayaana guursan doonaa lixda bisha Janaayo ee 2018ka. Soo gudbinta codsiga wuxuu ku egyahay saqda dhexe ee 31/12/2017,” sidaa ayuu Facebook ku qoray.
Markale ayuu qoraal kale ku xoojiyay isaga oo yiiri
“Arrintan waa iga dhab, haddaba ha oranin qoraalkaaga ma arkin. Nasiib wanaagsan.

Jaajuus shaqadiisa ku waayay jacayl
Weligaa ma maqashay warqad jacayl oo sida imtixaanka loo saxay?
Dhawr ruux ayaa qoraalkaas uga soo jawaabay, laakiin waxaa dareenkiisa soo jiitay midda uga timid Sophy Ijeoma
Waxay u qortay “Anigaa ku danaynaya…….. ceeb..” astaanta qosolka ee lols ayayna sii raacisay.
Markii hore waxay la ahayd kaftan, waxayna qoraalkaas u qortay in sheekadu sii socoto oo kali ah.
Nin meeli u caddahay
Fariin gaar ah ayuu u diray ka dibna Facebook ayuu ka wacay kaas oo bog cusub u furay noloshii gabadha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here