Lionel Messi: Waayaheyga Ciyaareed Kuma Dhameysan Doona Barcelona, Kamana Ciyaari Doona England Iyo France Waligey, Xaguu Ku Sii Jeedaa ?

0
457

Kabtanka xulka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa cadeeyay inuusa waayihiisa ciyaareed ku dhameysan doonin kooxdiisa haatan ee Barcelona laakin uusan xiran doonin maaliyad kale oo koox qaarada yuru ah ka dhisan waligiis.

Messi

Hadalka Messi ayaa niyadjab weyn ku noqonaya kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain kuwaasoo labadaba lacago aad u badna ku doonayay saxiixa xidigaan shanta jeer heesta abaalmarinta Ballon D’or ee kabtamiya xulka Argentina.

Isagoo la hadlayay France Football Messi ayaa yiri “Waxaan marwaliba idiin sheegayay inaan waayaheyga ciyaareed ku dhameysanayo gurigeyga Barcelona laakin taas waxaan ula jeeday kaliya waayaheyga ciyaareed ee yurub, waxaan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro Argentina sababtoo ah waxaan halkaas ka soo tagay anoo aad u yar, waxaan rabaa inaan ogaado waxay ay ka amcno tahay in lagu ciyaaro gudaha Argentine hal kulan”.

“Wax waluba ayaa kubada cagta ka dhici kara laakin aniga waan aqaanaa waxa aan doonayo waana inaan joogo Barcelona laakin waayaheyga ciyaareed waxaan ku dhameysan doonaa dalmkeygi hooyo”

Messi ayaa laga yaabaa inuu caawa dhaawac ku seego kulanka adag ee ay koxodiisa la yeelan doonto kooxda Athletic ee ah lugta koowaad ee tartanka Copa Del Rey ka hor inta todobo maalin kadib aysan ku kulmin Nou Camp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here