Lix Caruur Ah Iyo Hooyadood Oo Dhintay, Markii Uu Dab Qabsaday Gurigooda

0
338

Banaadir ( Ceelgardinews.com )  :  Lix caruur iyo hooyadood, ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen dab xalay saqdii dhexe ka kacay guri ku yaal Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dabkaan oo aan la ogeyn rasmi ahaan waxa sababay, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in mar kaliya uu guriga ka kacay, waxaana ku dhintay todobo ruux.

Aabaha guriga ayaa si dirqi ah dabka kaga badbaaday, sida uu xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax oo goobta tagay.

“Waxaa hada oo ay saacadu tahay 3:00 am Degmada Yaaqshiid ku geeriyooday 7 qof oo hal qoys ah oo uu gurigoodu dab ka kacay waxaana qoyskaas ka badbaaday Aabihii oo isna dhaawac, waa masiibo rabaani ah waxaa halkaas ku geeriyooday hooyadii iyo lix caruur ah. Waxaan ku dadaalnay inuusan dabkaas ku fidin guryaha kale ee dariska la ahaa si uusan qasaaraha intaas uga badan.” Ayuu yiri Tuulax oo qoraal soo dhigay boggiisa xiriirka Bulshada.

Masiibada reerkaan qabsatay ayaa illaa hadda la ogeyn dabka inuu ka kacay koronto iyo inuu ka dhashay dab kale oo guriga dhex yiilay.

Xigasho Universaltv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here