” MAANTA WAA MAALIN KU SUNTAN GUUL ,MIDNIMO IYO WADAJIR DHAMAAN QARANKA SOOMAALILAND OO DHAN ” XILDHIBAAN BIDHIIDH

0
339

Anigoo ku hadlaya  magacayga iyo magaca bulshada aan xildhibaanka u ahayba waxaan halkan hambalyo iyo ducoba uga gudbinayaa Madaxweynaha 5aad ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane  MUUSE BIIXI CABDI XILDIID iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Mudane  CABDIRAXMAN CABDILLAHI SAYLICI  oo ku guuleystey Doorashadii dalka ka dhacdey 13 November 2017.

Waxaan Alle SW uga baryayaa inuu jidka cadaalada iyo horumarka Qaranka ku toosiyo Allena ka dhigo Tusaalayaal lagaga daydo Cadaalada iyo Xaqsoorka .

Waxa kale oo aan fursadan uga faaidaysanayaa inaan Hambalyo Balaadhan u diro oo tan la mid ah Mudane DR CABDIRAXMAN MAXAMED CABDILLAHI CIRO  Guddoomiyaha iyo musharaxii xisbiga  WADANI  oo sameeyey Taariikh mahadho leh una muujiyey tudhaale iyo lexejeclo uu ka qabo dalkiisa iyo dadkiisa  .

MAANTA WAA MAALIN KU SUNTAN GUUL ,MIDNIMO IYO WADAJIR DHAMAAN QARANKA SOOMAALILAND OO DHAN .

 

Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Aadan ( Bidhiidh )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here