Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo saaka kormeer dhinaca cirka ah ku soo maray deegaamada xeebta Somaliland ee ay ku dhufatay duufaantu

0
421

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo saaka kormeer dhinaca cirka ah ku soo maray deegaamada xeebta Somaliland ee ay ku dhufatay duufaantu, ayaa gaadhay goobo muhiima oo ay ka mid ahaayeen tuulooyinka xeebaha Gobolada Awdal iyo Selel oo ay ku go’doonsanaayeen dad aad u jilicsan oo u baahnaa gurmad iyo gargaar caafimaad, iyadoo loo daad gureeyey magaalooyinka si loogu fidiyo adeegyada ay u baahan yihiim.

Waxa kormeerka madaxweynaha ka soo baxay o ay soo taabteen xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta deegaamadaasi ay saamaysay duufaantu, iyadoo waxyeeladu ay marba marka ka sii danbaysa soo kordhayso oo la ogaanayo in khasaaruhu sii badanayo, waxaanu maaxweyne ku xigeenku soo kormeeray goobo ay ka mid yihiin Hadayta, maame, gargaara, ido-cadays, garbodadar, cabdi geedi, lughaya, riiga karuura iyo goobo kale oo ay saamaysay masiibadaasi.

Masiibadaasi oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh ayaa waxa uu madaxweyne ku xigeenku soo taabtay intii uu ku jiray kormeerkiisa dhimashada dadka oo gaadhaysa 31 ay 18 ka mid ahi ku geeriyoodeen gargaara oo ka tirsan Lughaya iyadoo afarka mid ah la waayey raqdooda iyo ruuxdoodaba.

Ugu danbayn waxa goobahaasi gaadhay gurmad isugu jira wasaaradda caafimaadka oo kaashanaysa hay’adaha caafimaadka u qaabilsan Somaliland iyo gargaar dhinaca cunnooyinka ah, si loo badbaadiyo intii ka badbaaday masiibadaasi ee ku go’doonsan deegaamadaasi ku teedsan xeebaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here