Matteo Darmian Oo Amaan Ugu Qubeeyay Daafacyadii Hore Ee Man United Ee Gary Neville Iyo Patrice Evra “Waan Ku Daydaa Laakin Iyaga Lama Mid Ahi Wali”

0
450

Manchester United daafaceeda buuxa ee Matteo Darmian ayaa sheegay in labada nin uu ku daydo ee yihiin daaafcyadii hore ee isla kooxda Man United ee Gary Neville iyo Patrice Evra kuwaasoo labadaba waayo ciyaareed oo naqshadeysan ku qaatay kooxda Man United ka hor inta aysan ku kala biirin Sky Sports iyi kooxda kuabda cagta ee Juventus.

Evra-Darmian-Neville

Daafacaan Old Trafford uga yimid Torino xagaagii ayaa labada garab ee daafcaba kaga ciyaaray kooxdiisa wuxuuna yiri isagoo ka hadlayay sida uu ugiu daydo labada xidig ee Evra iyo Gary “Waxaan daawaday labadaba iyagoo ku ciyaaraya heerkoodii ugui sareeyay, waxay ahaayeen labo tiir oo ka dhex taagan Old Trafford, waxay kooxda ka caawiyeen iney guulo gaarto”

“Patrice wuxuu xili ciyaareedkii hore ka ciyaarayay Italy waxaan fursad u helay inaan la tartamo, oo talano weydiisyo, waa nin aan caadi aheyn wuxuu halkaasi ku kuujiyay inuu yahay guuleyste”.

“Sida cad Gary Neville wuxuu ahaa kabtanka United wuxuu ahaa halyeey kooxdan ah iyo halyeey kubada cagta dalkaan ah, labadoodaba waa labo nin oo waayo qurux badan qaatay, waxaan jeclaan lahaa iney noqdaan kuwo aan kuwo aan ku daydo halkii la ila barbardhigi lahaa iyaga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here