Maxaa sababay in dhalinyaradu timahooda iyo dharkooda ku mashquulaan oo wakhti ku lumiyaan

0
313

Adduunku waxkasta sabab ayay leeyihiin waanna kuwan waxyaalihii sababay Timaha dhaqanka ka baxsan;-

 

  1. Shaqo la’aanta baahansan ee jirta
  2. Goobihii lagu mashquulin lahaa ama lagu cayaari lahaa oo aan jirin xataa kubadii ay cayaari jireen ayaa ganacsi gashay.
  3. Wacyi-galinta oo aad u hooseysa, T,vyada, joornaalada, iyo warbaahinta looma adeegsan wax wacyi galin ah, wali maan arag anigu shaqsi ahaan wax wacyi-galina oo ka dhanna Timaha iyo dhaqannada xun-xun ee dalka ka socda iyo tallaabooyinka laga qaadayo haddii la arko.
  4. Dhaqanno shisheeyo oo ina soo galay, kuwaas oo aanay dawladu ogayn.

Xalka

Wacyi-galinta iyo digniinta oo la badiyo taas oo loo marinayo mareegaha Social mediaha, sida Facebook, websites, Tvyada, iyo kuwa kaleba.

in qofkii lagu arko dhaqankan lagu ganaaxo shaqo qaran oo loo diro Nadiifinta meelaha nadaafad darrada ah, Beerista goobaha u baahan dhirta, iyo shaqokasta oo loo diri karo.

Kolay dhibkasta sabab ayaa keenta se way jiraan sababo badan oo sababay dhaqankan inagu xun se xalkeeda haddii la raadiyo waa la helayaa.
Adigu maxaad is leedahay waa u sabab?

 

Waxa soo diyaariyay:- Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

Qoraa/ siyaasi / xeerdheere ganacsi

Artilce: 307

Email:     Farxaanmxd@gmail.com

Facebook:  Rakad Mxd Sultan

Berbera, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here