NOOCYADA DHIIGGA: Agaasime Jamaal Cabdi Muuse ( Qaybtii Koobaad )

0
718

“Falanqeynta ABO& Rh Blood Group Systems”.

Ugu horreyn, Inkasta oo kutubka culimada caafimaadka iyo bulshada Sayniska ay ku suntan yihiin daah-furka tiro ka badan afar nooc. Hadana hanaanka ama noocyada dhiigga Aadmiga ayaa ka sameysma ABO iyo Rh blood group systems.

Iyada oo loo kala saaro afar nooc oo kala ah A, B, O iyo AB. Nooca dhiigga qofka waxa qeexa hidde side laga dhaxlo labada waalid iyo girid aroor ku lingaxan labada awoowe “ABO blood group system”. Sidoo kale, nooc kasta oo ka mid ah dhiigga aadmiga, waxa weheliya Protein la yidhaa RhD oo u kala baxa RhD Positive Iyo RhD Negative ama tabnaan iyo tognaan, waana Rh blood group system.

Run ahaantii, marka laysku xidho labada guntimood ee kala ah “ABO blood group system iyo Rh blood group system, waxay noqdaan guntinta noocyada dhiigga Aasmiga “Human ABO and Rh blood group systems”. Iyada oo isku dhafnaantooda loo yaqaan sidan soo socota:

1. A Blood Group {+ve/-ve “Taban/togan”}.
2. B Blood Group +ve/-ve “Taban/togan”}.
3. O Blood Group {+ve/-ve “Taban/togan”}.
4. AB Blood Group {+ve/-ve “Taban/togan”}

Hadaba, si aynnu iskula fahano hawraarta cilmiga dhiigga iyo halbeegga aroorka sheekada Soomaalida. Waxan idinla wadaaggi doonaa qoraalo kooban oo ku saabsan:
▪ Noocyada dhiigga,
▪ Ahmiyada noocyada dhiiga,
▪ Sameysanka Noocyada dhiigga,
▪ Kala duwanaanta Noocyada dhiigga “Blood type”,
▪ Saameynta dabeecaddaha,
▪ Is diiddada Noocyada dhiigga,
▪ Is yeelmada noocyada dhiigga,
▪ Sal la’aanta sheekada Soomaalida,
▪ Iwm…

Dhinaca kale, protein ka, RhD antibodies iyo walxaha hidde sidaha ah “Inhereted antigenic substances” oo laga helo oogada unugyada cas “Surface of RBC’s” ayaa ah saleeyaha iyo kala soocaha noocyada dhiigga. Marka kale, walxaha Antigens ka ayaa badanaaba ka kooban isku dhiska Proteins, Carbohydrates, Glycoproteins iyo Glycolipids.

Xaqiiqdii, is bedelo dhinaca Biology-ga ah oo ay door shariif ah ku leeyihiin walxaha sare ku sheegan iyo kuwo kale sida walaxda muhiimka ah ee H. Substance ayaa dhaliya sameysanka noocyada dhiigga aadmiga. Halka kalmadaha Taban iyo Togan “Positive iyo negative” ay u taagan yihiin jiritaanka ama maqnaanta protein ka RhD Antibody oo saldhig ku leh oogada unugyada cas “RBC’s”.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah Antigens ka kor ku xusan, ayaa degsiimo kale ku yeesha nudaha kala gedisan ee hab-dhisyada aadmiga. Haseyeeshee, waxa la yaab leh in ururka caalamiga ah ee dhiig shubiddu ” ISBT”, guud ahaan aqoonsan yahay jiritaanka 36 nooc oo ka mid ah noocyada dhiigga aadmiga iyo 346 Antigens ah. Balse waxa ugu muhiimsan isku dhiska ABO iyo Rh blood group systems oo sabab u ah in qofka aadmiga ahi noqdo ARh+/-ve, BRh+/-ve, ABRh+/-ve iyo ORh+/-ve ama si fudud hadaan u dhigo, A+/-ve, B+/-ve, AB+/-ve iyo O+/-ve.

La soco Qaybaha Kale.

Jamal A. Muse

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here