Qubanaha Biyaha :- Qaybtii koobaad , Agaasimaha Horumarinta Biyaha Jamal A Musse

0
680

“Xuska Maalinta Biyaha Dunida Iyo Xurmeynta Qubanaha Cilmiga Biyaha”

Ugu horreyn, maadama 22 March 2019 ay ku beegan tahay xuska maalinta caalamiga ah ee Biyaha Dunida oo si meerto sannadle ah sannad walba adduunka looga xuso darteed, an idinla wadaago qormooyin googoos ah oo daah-qaad u noqonaya guud ahaan Ahmiyadda horumarinta adeegyada Biyaha, Maareynta iyo maamulka il-biyoodyada, Joogteynta shaqadda & la socodka hawlaha, Hoggaaminta biyaha iyo muuneynta cilmiga laf-dhabarta u ah barashada aqoonta biyaha.

Hadaba, tirsi sannadeedkii u dhexeeyay sannaddihii 1981 ilaa 1990 kii, barnaamijka ololaha WASH ayaa guulo la taaban karo ka gaadhay kobcinta hannaanka fayo-dhawrka iyo fidinta adeegyada biyaha. Mar kale, isla sannadkii 1990 kii, khubarada WASH oo daliil ka dhiganaya xaddiga koritaanka tirada dadkii dunida goortaa ku noolaa ayaa ku tiraabay ahmiyadda helitaanka biyo nadiif ah oo ku filnaanaho leh.

Dhab ahaantii, adeegyada biyaha iyo dhawridda hannaanka fayo-dhawrka ayaa gun-dhig u ah xaquuqda aasaasiga ah ee aadmiga, taasi oo gaadh-hayeen u ah ilaalinta caafimaadka guud iyo sharafta aadmiga.

Iyada oo qof kasta uu xaq lama taabtaan ah u leeyahay ka badbaadidda xannuunada faafa iyo khataraha dhallin kara cuddurada aadmiga wiiqa oo qaarkood ka soo burqadaan nadaafad la’aanta biyaha iyo maareynta xumaanta khashinka aadmiga.

Dhinaca kale, taariikh ahaan 22 March 1992 ayay Qaramada Midoobay go’aamisay joogteynta xuska sannadlaha ah ee maalinta biyaha dunida oo tebineysa muhiimadda helitaanka biyo macaan. Sidoo kale, sannadkii 2016, isla Qaramada Midoobay iyo Bangiga Dunida ayaa wadajir u yagleellay guddi sare oo u qaabilsan arrimaha biyaha dunida.

Sidoo kale, guddigan ayaa ka koobnaa 11 xubnood, waxayna diiradda fogaan aragga si buuxda ugu liishaameen in la helo hoggaamin biyood, hirgalin tilmoon iyo hufnaan shaqo, taasi oo salkeedu yahay horumarinta kaabeyaasha biyaha, maamulka iyo maareynta il-biyoodyada, xaqiijinta addeegyo tayo leh iyo dhiirigelinta nadaafadda Biyaha.

Run ahaantii, guddiga sare ee hoggaaminta hawlaha biyaha dunida ayaa sallaan sare ku qotomiyay mug weynaanta hoggaaminta hawlaha biyaha oo ay laf-dhabar u yihiin hirgelinta Hannaan Hoggaamineed Dhammeystiran oo wadajir loo fuliyo “Comprehensive Leadership System”.

Docda kale, dhuuxa qorshaha guddiga sare ee biyaha ayaa daaha ka rogay muhiimadda ka go’aansho lagu fuliyo heliraanka biyo joogto ah, adkeynta maareynta iyo dhawridda nadaafadda biyaha. Sidoo kale, waajibaadka shaqo ew guddiga ayaa ku ekaa 14 March 2018-kii, waxayna dejiyeen Water SDG’s , iyaga oo soo saarray qoraalo badan oo muhiim u ah hawlaha biyaha dunida.

Dhinaca kale, UN Water ayaa dood adag iyo waydiimo waafi ah ku maan-furtay fahanka iyo odoroska dhacdooyinka xaalad biyood ee ku gadaanaan kara sannadka 2030. Sidoo kale, UN Water waxa ajandaha ugu jira Xoojinta Horumarka addeegyada, hoggaaminta siyaasadda biyaha iyo mideynta dedaaladda ololaha joigteynta helitaanka biyo macaan.

La soco qaybaha kale.

Allaa Mahad leh.

Jamal A. Muse

AG. Guud Ee W. H. Biyaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here