Safiirka Somaliland ee Germany iyo Waftigii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Cali Khaliif oo kulamo la qaatay Dawlada Germalka

0
346

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Germalka Ambasador Cabdifatax Cismaan oo mudooyinkii u dambeeyay ku gudajiray dardargalinta hawlaha uu qaranka u hayo ayaa soo dhawayn balaadhan u sameeyay gudoomiyaha Xisbiga Ucid engineer faysal cali waraabe iyo Pr. Cali khaliif galaydh oo dalkaasi u jooga shirar ay ka qayb galayaan.

Ambasadorka oo dusha u ritay soo dhawaynta iyo hagida waftiga ka socday somaliland ayaa ugu horayn magaalada Bon kaga qaybgalay shir caalami ah oo deeqo lagu siinayay wadamada africanka sidoo kale waxay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda ugu saraysa dalkaasi germany iyagoo balanqaad school farsamada gacanta ah ka soo helay sidoo kale waxaa qayb ka ahaa in dawlada germany iyo beesha caalamka loo sheego inay heshiiyeen Somaliland iyo Khaatumo laguna guulaystay wadahadaladii u socday mudooyinkii u dambeeyay

Ambasador Cabdifatax oo ah siyaasi aqoonyahan ah oo da’yar ayaa taniyo intii loo magacaabay safiirka somaliland ee dalkaasi ka qayb galay shirar caalami ah isagoo wadankaasi iyo madaxdii shirkaba ku soo jeediyay indhahooda somaliland.

Ambasadorka ayaa la odhan karaa waa safiirka ugu waxqabadka badan safiiradii somaliland u joogay wadamada caalamka gaar ahaan qaarada yurub.

Halkan ka daawo sawirada

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here