Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Xiisaha Badan Ee Borussia Dortmund vs Liverpool, Sturrdige Iyo Firmino Oo Kadyka Ku Jira Iyo Divock Origi Oo Hogaaminaya Safka Weerarka Shaxda Klopp

0
371

Liverpool ayaa kulanka lugta hore ee Europa Leaque-ga wareegiisa sideed dhamaadka marti u ah kooxda Borussia Dortmund kulan ay iskaga hor imanayaan kooxdii hore ee Jurgen Klopp ee Dortmund iyo kooxdiisa hadda ee Liverpool. Labada kooxood ayaa wareega sideed dhamaadka ku soo gaadhay qaab ciyaareed aad u fiican iyaga oo waliba ka soo gudbay imtixaano adag waxayna soo kala reebeen Tottenham iyo Manchester United.

Booliiska ayaa amaanka aad u adkaynaya ka hor inta ayna ciyaartu soo dhawaana waxaana la arkayay xoogaga booliiska oo gaab wareegaya garoonka isla markaana xaalada si wayn ula socda. Kulankan ayaa loo arkaa kulan ka xiiso badan  UEFA Europa League waxaana garoonka Signal Iduna Park laga filayaa ciyaar xiiso badan iyo waliba jamaahiirta labada kooxood oo iskugu jawaabi doona heesta ay ka midaysan yihiin ee “You Will Never Walk Alone”.

Tababare Klopp ayaa shax xoogan u soo doortay kulankan laakiin waxa uu safka weerarkiisa ku bilaabay Origi halka Daniel Sturridge iyo Roberto Firmino ayaa kaydka ku jira halka Adam Lallana iyo Philippe Coutinho ayaa weerarka ka caawin doona Origi inta kale wax isbadla ah Klopp shaxdiisa kamuu samayn. Dhinaca Dortmund waxaa hogaaminaya labada xidig ee halista badan ee Reus iyo Aubameyang.Liverpool and Dortmund

SHAXA LABADA KOOXOOD EE KULANKAN.

Dortmund:Weidenfeller, Piszczek, Bender, Hummels, Schmelzer, Castro, Weigl, Durm, Mkhitaryan, Reus, Aubameyang

Kaydka: Bürki, Sahin, Ginter, Leitner, Pulisic, Sokratis, Kagawa

 

Liverpool:Mignolet, Clyne, Lovren, Sakho, Moreno, Henderson, Can, Milner, Lallana, Coutinho, Origi.

Kaydka:Ward, Toure, Smith, Allen, Ibe, Firmino, Sturridge.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here