Suldaanka Guud Ee Deegaanka Badhan Oo Qado Sharaf Sooryan Ah Ku Maamuusay Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha

0
646

Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Oo Maalmihii ugu dambeeyay safar diwaan-galinta shaqaalaha ugu joogay Deegaanka Badhan ayaa kulan Qado sharaf Sooryo Ah waxa ku maamuusay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire oo ah suldaan kasoo jeeda Saldanada guunka Ee Beesha Warsan Gali.

Qado sharaftan guddoomiyaha lagu maamuusay ayaa waxa uu ku mutaystay diwaan-galinta shaqaalaha ee uu ka waddo magaalada badhan taas oo suldaankuna ku amaanay sida fiican ee uu Hawlaha u waddo.

“Sharmaake Guddoomiyaha Haay’adda shaqaalaha waxaan odhan karaa Madaxwayne waa nin

hawshii aad u dirtay sideedii u fuliyay bari,galbeed,waqooyi iyo ilaa hawad waad arkaysaa sida aan nasashadda lahayd ee uu ninkaasi shaqadii uga soo baxay,aniga oo ah suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire waan ku hambalyaynaa inaanu maanta qado sharaf aanu ku maamuusnay halkan ugu samayn taasina waa mid aanu ku amaayno hawsha uu qaranka u hayo.

Dhinaca kale guddoomiyaha haay’adda shaqaalaha somaliland ayaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire ugu mahad celiyay qaabka ay ku dheehan tahay dadnimadu iyo wanaagu ee ay ugu sameyeen Sooryaddan,waxaana uu sheegay in baahiyo badan oo deegaanka ka jira isla markaasina suldaanku faray uu gaadhsiin doono xukuumadda sare.

“Suldaan anaga oo hawshii qaranka dhinacayaga kaga jirana waanu kuugu mahad naqaynaa sooryaddan aad nagu maamuustay waxaana ku leenahay ilaahay adigana akaa aqbalo wanaag aad noo samaysay hawsha aanu u soconana waa tirakoobkii shaqaalaah dawlada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here