Tabashada Waxaa Dawayn Kara Cadaalada , Beesha Musharaxa Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani Ee Gobolka Saaxil Oo Xilalkii Dawliga ahaa ku Waayay Ololihii Doorashada

0
386

Berbera(Ceelgardinews.com)Tabashada  iyo Xasaasiyada ka Dhalatay Doorashadii dalka ka Dhacday 13 Nov 2017  Ayaa Wali Xiisadeedii  Sii Guuxaysaa,  Taariikhda Hadaynu Dib Ugu Yar Noqono Laga Soo Bilaabo  Sanadkii 2015 Xiligaasi Oo Si Kadis Ah Loo  dareemay Awooda Siyaasdaeed Ee Xisbiga Wadani  Oo Mar Kaliya Aay Kor Ukacday  taageerada Uu ka Hellay qaybaha kala Duwan Ee Dalka Somaliland  Una Soo Muuqday In UU Yahay Xisbiga Kaliya Ee la tar tami Karaya  Xisbul Xaakimka Kulmiye EE talada Somaliland haya,

Dabcana   Xukuumada Somaliland Ee ka  Dhisnayd Xisbiga Kulmiye waxaay Ku Baraarugtay In Culays Siyaasdaeed Kusoo Fool Leeyahay  Kadib Markii Aay ka takhalustay Xisbigii Ucid Musharixiisii  Oo Si tab iyo Xeelada Looga takhalusay  In Uu Xisbigaasi Noqdo Mid tar tan Adag la gali karaya  Xisbiga Kulmiye,

Waxaa Iyana Xusid Mudan In In Siyaasi Kasta Oo ka Tirsan Xukuumada  Kulmiye  Oo Loo Tuhmay In Uu Laabta kala Socdo Xisbiga Mucaaradka Ah Ee wadani  Shaqda Laga Joojiyo oo uu Iska Quusto Marka danbe,,

Hadaba Iminka Maxaa La Gudboon Xukuumada Cusub Ee Uu Hogaaminayo Madaxwyne Biixi, Runtiina Xisbiga Kulmiye  Ee Talada dalka qabtay waxaa Laga Rabaa In Uu Si cadaalada Bulshada Ugu qaybiyo Maamulka dawladeed,

Gobolka Saaxil Ayaana fartu Ku Godan Tahay , Musharixii Xisbiga Wadani Ee Doorashada Lagaga Guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro  Beeshiisu Xilalkii Aay ka hayeen Gobolka saaxil  Dhamaan waa Laga wada Qaaday Xiligii Arimaha Doorashadu Kaabiga Inagu hayeen, Ee Tartanka Labada Xisbi Ee Kulmiye iyo wadani Sixmadoodu Cirka Isku Shareertay, Sida Hoos Ku Xusan

  • Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Saaxil
  • Maareeyihii Wakaalada Biyaha Berbera
  • Xisaabiyihii dawlada Hoose
  • Isuduwayashii wasaaradha Oo Aan Qof Lagaga darin

Isku soo Duuboo  Xaaladahaa Cakiran  Ee Tabshada Huwan Ayaa laga Doonayaa In Uu daweeyo Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland,Muuse Biixi Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here