Wasaaradda Horumarinta jidadka gaadiidka oo ka mid ahayd wasaaradihii cusbaa ee madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliland abuuray waxay muddadii lixda bilood ee ay jirtay hirgalisay waxqabadkan xagga hoose ku xusan

0
449

1. Waxay dib u bilawday dhismaha waddada Ceerigaabo
2. Waxay dayac tir ku sammaysay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera laga soo bilaabo Controlka bari ilaa tuullada macaaneeye
3. Waxa ay calaamadinti jidadka ku sammaysay waddada Hargeysa ilaa Berbera.
4. Waxa ay dayactir ku sammaysay biriijyadda cabaadweyne oo ay dhistay wasaaradda horumarinta jidadku.
5. Diiwaan galinta gaadiidka dawlada
6. Dayactirka guud ee xarunta wasaaradda Horumarinta jidadka iyo gaadiidka
7. Waxay furtay oo ay kaga shaqaysiisay xafiiska goboladda ee wasaaradda jidadka iyo horumarinta gaadiidka
8. Waxay markii ugu horreysay doorasho xor iyo xallaala u qabatay ururka gaadiidka waaweyn ee Tawfiiq
9. Mashruuca qaadhaan ururrinta dhismaha waddada Goboladda Awdal.
By Saxafi Mubarig Mubaarik Nirig

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here