Wasiirkii Hore Ganacsiga Oo Talooyin Ku Saabsan Maceeshada iyo Wax Soo Saarka U Diray Xukuumadda

0
509

-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa talooyin u soo jeediyey guud ahaan Shacabka reer Somaliland iyo Xukuumaddaba, waxaanu si gaar ah uga hadlay

nabadgalyada,shaqo abuurka,  maceeshada, iyo wax soo saarka dalka.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya nabadgaylada uu yidhi “Nabadu waa qaali, oo nabada iyo imaanka, nabada ayaaba la horeeysiiyey, qof kasta oo muwaadin ahna, waxaa la gudboon oo uu xil ka saaran yahay inuu nabada dhiniciisa ka ilaaliyo, kana hor tago wax kasta oo nabadgalyo daro abuuri kara, waxaan kale oo Shacabka reer Somaliland ku gubaabinayaa inay si wada jir ah mar walba uga hor tagaan dhib kasta oo ku soo fool leh, iska qabtaan wax kasta oo nabadooda waxyeelo ku ah, hana u dhega nuglaadan Ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwaas oo mar walba heegan u ah oo ALLE sukadii nabadooda sugaya”.

Mar uu ka hadlaayey Maceeshada, qiimaha sarifka iyo wax soo saarka ayaa yidhi “Dawladda iyo Baankuba dadala dheeraad ah ayey muujiyeen mar haddii qiimihii sarifku hoos u dhacay, oo Lacagteenii qiimo yeelatay, sarena u kacday, waxaana aad ugu rajo weyn nahay in Maceeshada qaaliga ahina ay hoos u dhici doonto, oo Dawladduna dadaal dheerad ah halkaas ka sameeyn doonto, markaas Dawladdu si kasta oo Maceeshada u jabayso, waa inay ku dhaqaaqda, maxaa yeelay waxaa loo baahnaa in haddii Sarifku jabay inay Maceeshaduna jabto, markaas wixii halkaas ka khaldan waxaan aad ugu rajo weynahay inay Dawladdu si doonto, hoosna u eegi doonto, walibana Dawladdu waa inay arintan daraasad ka sameeysa, oo ay la tashataa dadka aqoonta u leh, ta kale haddii aynu ka faa’iidaysano biyahaas iyo nimcadaas ALLE inoo shubay, oo aynu wax soo saar la nimaadno, waxaa hubaal ah inaynu ka maarmi lahayn wax badan oo dibadda inooga yimaada, ee Shacabka Somaliland waxaa looga baahan yahay tacab,dadaal iyo wax soo saar, Dawladdana dhiirigelin ayaa looga baahan yahay”.

Mar uu ka hadlaayey shaqo qaran ayaa yidhi “Dhalinyaradu aad bay ugu baahnayd barnaamijkan shaqo qaran, Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisana waxaan aad ugu mahadanqayaa talaabada dhinaca wanaagsan u qaadeen iyo shaqo abuurka ay u sameeyaan Dhalinyarada aadka u badan,maxaa yeelay in Dhalinyaradeena shaqo abuur loo sameey, oo la tayeeyo, oo dhinac walba laga dhiso waa mid loo baahnaa, xuskeenii sannad guurada 28aad ee Xuska 18-may, aad baa  looga dabaal degayey Gobolada kala duwan ee Somaliland, Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana waxaan leeyahay is ogaada, oo iska war haya”

xigasho Wargeyska Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here