Waxaan saaka dhex qaaday dhawr maqaal oo si fiican uga waramaya sababta madaxweyne Trump u doonayo inuu Ikhwaanul-Muslimiin ku daro liiska argagixisada

0
392

Arrintu waxay kusoo biyo-shubanaysaa in Cabdifataax al-Siisi (Masar), Maxamed Bin Salmaan (Sacuudi Arabiya) iyo Maxamed Bin Sayed (U.A.E) ku qanciyeen madaxweynaha Maraykan inuu liiska argagixisada ku daro Ikhwaanul-Muslimiin. Sababta ugu weyn ee ay sidaa u codsadeen waa inay ka baqayaan culayska siyaasi, diini, ijtimaaci iyo dhaqaale ee ay ku hayaan Ihwaanul-Musliim hoggaamiyayaasha dalalkan oo dhamaantood ah kelitaliyayaal ama iyo boqortooyo.

Waxaan aad ula yaabay laba arrimood oo aan la kulmay intaan dhex jibaaxayay qoraaladan. Midda kowaad waa Imaaraadka oo culays ku saaray ra’iisalwasaarihii hore ee Boqortooyada Midowday (UK) David Cameron inuu Ikhwaanul-Muslimiin ku daro liiska argagixisada.

“The same arguments surfaced in the MI6’s response to David Cameron’s Emirati-fuelled probe on the Brotherhood in the UK led by Sir John Jenkins” (David Hearst 2019)

Arrinta labaad waxay tahay, aqoonyahan badan oo aad u daraaseeyey, qoraalo badanna ka qoray Ikhwaanul-Muslimiin ayaa khatar ku gelaya inay taageeraan Ikhwaanul-Muslimiin—Argagixiso.

“Andrew March additionally points out that designating the Brotherhood a terrorist group would put academic researchers at risk of being prosecuted for their “material support” of terrorism.

Ramadan kariim

Sacad Areeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here