Xulka Qaranka Argentina Oo Kaalinta Kowaad Kala Baxay Belgium, Chile Oo Booskii Abid Ugu Sareeyay Soo Gashay, Germany Oo Kaalinta Lixaad Ku Jira Iyo FIFA Oo Soo Saartay Qiimaynta Xulalka Qaramada Aduunka Ee Bishan April

0
499

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saartay qiimaynta bilaha ah ee xulalka qaramada aduunka ee bishan April ee aan ku jiro, waxaana kaalinta kowaad dib ugu soo laabtay xulka qaranka Argentina oo booska kowaad kala baxay Beligum.

Lionel Messi iyo asxaabiisa Argentina ayaa kulamadii caalamiga ahaa ee dhamaadkii bishii March wacdaro ka soo dhigay iyaga oo soo wada guulaystay labadii kulan ee ay la soo ciyaareen xulalka qaramada Chile iyo Bolivia ee loogu soo baxayay koobka aduunka ee 2018 ka ee ka dhici doona dalka Ruushak. Argentina oo muddo ka maqnayd kaalinta kowaad oo Belgium haysatay ayaa dib u heshay booska kowaad ee qaramada aduunka.

Argentina have risen to the top of the FIFA world rankings after being knocked off by Belgium last November

Lionel Messi scores from the penalty spot during Argentina's 2018 World Cup qualifying win against Bolivia 
 Xulka qaranka Chile ayaa kaalinta saddexaad soo galay waana kaalintii ugu saraysay ee ay abid soo galaan halka xulka qaranka England uu buuxiyay kaalinta tobanka xulalka qaramada aduunka ugu sareeya. Xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Germany ayaa ku jira kaalinta shanaad halka uu qiimayntii hore kaga jiray kaalinta afraad waxaana booska afraad xidhay Colombia. Spain ayaa ku jirta kaalinta lixaad halka Uruguay ay soo gashay kaalinta sagaalad.
 Eric Dier (centre) is congratulated by his England team-mates after scoring the winner against Germany

1. Argentina (2 )

2. Belgium (1)

3. Chile (5)

4. Colombia (8)

5. Germany (4)

6. Spain (3)

7. Brazil (6)

8. Portugal (7)

9. Uruguay (11)

10. England (9)

11. Austria (10)

12. Ecuador (13)

13. Turkey (20)

14. Switzerland (12)

15. Italy (14)

16. Mexico (22)

17. Netherlands (15)

18. Hungary (19)

19. Romania (16)

20. Bosnia-Herzegovina (21)

FIIRO GAAR AH: Tirada xul kasta ka horaysa waxay muujinaysaa kaalinta uu hadda kaga jiro qiimaynta FIFA halka tirada qoyska/barakatka ku jirtaa ay muujinayso kaalinta uu kaga jiray qiimaytii tan ka horaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here