Hargeysa – 05-02-2025-( )-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenku ayaa maanta qasriga madaxtooyada qado sharaf ugu sameeyey dhamaan madax dhaqameedka Somaliland .
Madax dhaqameedka ayaa ah haybada iyo sharafta qaranka Somailand waana kuwa ka qeyb qaata ilaalinta nabada, xasiloonida iyo wada noolashaha bulshada Somaliland.
Sidoo kale Madax dhaqameedku waxay fure u yahiin, xalinta khilaafaadka , ka hor taaga colaadaha , waxaana ay aasaas u yahiin dhisamaha Qaranka .