Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, iyo Xubnaha Guddida

0
4

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, iyo Xubnaha Guddida ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Saxaafadda Madaxa Bannaan qaybahooda kala duwan ee ka hawl gala Somaliland.

Kulanka ayay ujeedadiisu ahayd in Qaran ahaan la iska kaashado, meelna looga soo wada jeesto Gurmadka iyo Gargaarka lagula tacaalayo Abaaraha ba’an ee ay dad badan oo reer Somaliland ahi ku tabaaloobeen.

Sidoo kale, ujeedada kulanka Saxaafadda Madaxa Bannaan (kuwo soo jireen ah iyo kuwa casriga ahba) iyo Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha waxa ay ahayd in Saxaafaddu ay qaadataan kaalintooda wax-ku-oolka-ah ee bedbaadinta bulshadeenna ay Abaaruhu dhibaateeyeen.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Xubno ka mid ah Guddida Heer Qaran oo kulanka hadallo ka jeediyey ayaa sheegay in Saxaafaddu ay fadhiga ka kacdaan, maadaama ay yihiin indhiha iyo codka shacabka JSL ee dhawaaqa, dhiillada iyo dhibaatada Abaaraha gaadhsiin kara meel fog.

Guddida Gurmadka Abaaraha waxa ay Saxaafadda Madaxa Bannaan u sheegeen in masiibada Abaaruhu ay tahay masuuliyad wadareed Diini iyo Dadnimaba ah oo saaran qof kasta oo reer Somaliland ah, gaar ahaan saxaafadda iyo suxufiyiinta reer Somaliland.

Xubnaha Guddida Gurmadka Abaaruhu waxa ay Bahda Saxaafadda u sheegeen in la joogo xilligii aynu ummadeena la dareemi lahayn harraadka, gaajada, xanuunka iyo faro madhnaanta. Waxa ay sheegeen in la joogo xilligii hibooyinka hadalka ee uu Allah ku manaystay Saxaafadda ay ku wacyigelin lahaydeen ummadda, kuna dhiirrigelin lahaydeen is-caawinta, iskaalmaysiga, wax bixinta iyo gargaarka dadkeena tabaalaysan.

Dhinaca kale, kulanka waxa iyaguna hadallo qiimo leh ka soo jeediyey xubno door ah oo ka tirsan Saxaafadda Madaxa Bannaan iyo Ururka Solja, iyaga oo dhammaantood sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qaataan doorka iyo masuuliyadda kaga aaddan ka qaybgalka Gurmadka Abaaraha.

Intii lagu guda jiray kulanka, Xubnaha Warbaahinta Madaxa Bannaan waxa ay Guddida u caddeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay si firfircoon uga qayb qaataan baraarujinta wacyiga bulshada, baahinta xogaha degdegga ah ee la xidhiidha baahida bini’aadannimo ee ka jirta degaannada Abaaraha, iyo dhiirrigelinta gurmadka ay u baahan yihiin shacabka ay dhibaatadu saameysay.

Waxa ay Guddida Heer Qaran ka codsadeen in lala wadaago xogaha muhiimka ah iyo qorshayaasha Gurmadka Abaaraha si ay iyaguna u gudbin karaan warar xaqiiqada ku salaysan.

Ugu dambayntii, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha oo kulanka soo xidhay, ayaa Saxaafadda Madaxa Bannaan ugu baaqay in ay sii xoojiyaan baahinta fariimaha dawladda, codadka dadka abaartu saamaysay, iyo dhiirrigelinta gurmadka ay u baahan yihiin shacabka ay dhibaatadu saameysay,

Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu Bahda Saxaafadda kula dardaarmay in wararka ay baahinayaan noqdaan kuwo toosiya quluubta iyo damiirka shacabka JSL, in uu warkoodu noqdo biriijyo isku xidha kuwa baahiyaha qaba iyo kuwa wax bixin kara.

(),