Maamulka sare ee Dahabshiil Bank iyo Dahabshiil Group ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay wakiillo ka socday Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Dowladda UK (FCDO),

0
10
Maamulka sare ee Dahabshiil Bank iyo Dahabshiil Group ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay wakiillo ka socday Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Dowladda UK (FCDO), oo ay ka mid yihiin Safiir Charles King iyo Safiir Louise Hancock.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka ay shirkadaha Soomaalida hogaaminayaan ee waaweyn, sida Dahabshiil, ay ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha Geeska Afrika. Qodobbada lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa ballaarinta fursadaha maalgashi ee ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, abuurista shaqooyin, iyo dhiirrigelinta maalgashiga qurbo-joogta.
Shirkadda Dahabshiil Group, oo ka mid ah bixiyeyaasha adeega maaliyadeed ee ugu waaweyn gobolka, ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee kor u qaadaya horumar waara iyo fursado dhaqaale oo loo siman yahay.
“Kulankani wuxuu ka tarjumayaa dadaallada joogtada ah ee lagu mideynayo hal-abuurka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo yoolalka horumarineed ee caalamka, gaar ahaan dalalka nugul iyo suuqyada soo koraya,” ayuu yiri Abdirashid Duale, Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.
Dowladda UK, iyada oo loo sii marayo FCDO, waxay sii waddaa wada-shaqaynta ay la leedahay daneeyayaasha gobolka, iyada oo qayb ka ah istaraatiijiyaddeeda guud ee lagu taageerayo xasilloonida, adkeysiga dhaqaale, iyo iskaashi goboleed oo waara.
…..
Senior executives from Dahabshil Bank and the wider Dahabshiil Group held a high-level meeting today with representatives from the UK Government’s Foreign, Commonwealth & Development Office (FCDO), including Ambassador Charles King and Ambassador Louise Hancock.
The discussions focused on the role of major Somali-led companies in driving economic growth across the Horn of Africa. Key topics included expanding financial access for small and medium-sized enterprises, fostering job creation, and strengthening diaspora investment.
Dahabshiil Group, a leading financial services provider in the region, reaffirmed its commitment to deepening international partnerships that promote sustainable development and inclusive economic opportunities.
“The meeting reflects ongoing efforts to align private sector innovation with global development goals in fragile and emerging markets,” said Abdirashid Duale, Group CEO of Dahabshiil.
The UK, through the FCDO, continues to engage with regional stakeholders as part of its broader strategy to support stability, economic resilience, and regional cooperation in East Africa.