0
21
Axad, 05/10/2025 – (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa kulan ballaadhan la qaatay qaar ka mid ah mujaahidiintii ururkii SNM ee degaannada Togdheer, Saaxil, Maroodi-jeex iyo Gabiley.
Kulanka oo ahaa casuumad qado-sharaf ah oo ka qabsoontay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ujeeddadiisu ahayd kala war-qaadasho la xidhiidha arrimaha siyaasiyadda, deegaan iyo dhaqan-dhaqaale ee bulshada iyo guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiye ku-xigeen koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa xog-warran ballaadhan ka siiyey mujaahidiinta xaaladda siyaasadda ee dalka, gaar ahaan ta xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in aannu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya xisbiga, balse ay jireen damacyo siyaasadeed oo laga abuurayey dibadda xayn-daabka xisbiga, kuwaas oo hadda iska soo gebogeboobaya.
Dhankooda, mujaahidiinta oo iyaga kulanka dalbaday, ayaa soo dhaweeyey warbixinta Guddoomiye ku-xigeenku siiyey, isla markaana u caddeeyey inay si buuxda u dhisayaan, una taageersan yihiin isaga iyo xisbiga KULMIYE, kana shaqaynayaan sidii ay warka saxda ah u gaadhsiin lahaayeen bulshada deegaankooda.
Xafiiska Warbaahinta Xisbiga Kulmiye Party