( ) –
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Qunsulka Guud (Consul General) ee Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland, Mudane Ozan PEKIN iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Anil Koray KOCAMAN.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo labada dhinac u dhexeeya, gaar ahaan xoojinta iyo kor u qaadista xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsiga iyo maalgashiga, iyo mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka fuliyo Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Somaliland aanay haba yaraatee ka xumayn waxa uu Turkigu siiyo dadka Soomaalida ah, laakiin Somaliland ay mudan tahay in si cadaalad ah Turkigu ula macaamilo maadaama ay tahay dal madax-bannaan, nabad ah, dimuqraadi ah, isla markaana si dhab ah diyaar ugu ah iskaashiga beesha caalamka.
Isaguna dhankiisa, Qusulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland Mudane Ozan PEKIN ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqay qaabilaadda, isla markaana u gudbiyey salaan diirran oo uu uga sido Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Hakan Fidan.
Qusulka Guud ee Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland (oo shaqada bilaabay bishii September 2025-ka), ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku ammaanay nabadaynta Gobollada Bariga, Gogoshii Nabadda ee Ceerigaabo oo guul ku dhammaatay iyo qabsoomidda Shirweynihii Maalgashiga Somaliland, isaga oo arrimahan ku tilmaamay guulo muhiim ah oo muujinaya bisaylka siyaasadeed iyo ka hoggaamineed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida oo kale, waxa uu ballan qaaday in uu si firfircoon uga shaqayn doono xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac iyo kordhinta waxtarka iyo kaalmada horumarineed ee ay Dawladda Turkigu u qoondaynayso Somaliland, taasi oo uu Qusulku xusay in ay hadda ka hore ahayd mid aad u hoosaysa, marka loo eego kaalinta muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Gobolka Geeska Afrika.
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qunsulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku soo dhammaaday is-faham, iyo yididiilo cusub oo ku aaddan xoojinta wada-shaqaynta labada dal.
(),



















