adaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulankii ugu horeeyey la yeeshay Guddidii uu dhawaan u xil saarey Tirokoobka, Dib-u-habeynta iyo Casriyeenta Ciidamada

0
6
Hargeysa -01-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulankii ugu horeeyey la yeeshay Guddidii uu dhawaan u xil saarey Tirokoobka, Dib-u-habeynta iyo Casriyeenta Ciidamada kala duwan ee Qaranka, Guddidaas oo ah kuwa jaan-goyn doona Siyaasada lagu hagi doono dib u habeynta Ciidamada kala duwan ee Qaranka
Sidoo kale, kulankan waxaa ka qeyb galay Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka.
Ugu horrayn Madaxweynuhu waxuu warbixin xaga amiga dalka ka dhegaystay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Qaranka.
Masuulyiintani waxa ay Madaxweynaha war bixin ku siiyeen in guud ahaan Amniga Qaranku uu sugan yahay, Ciidamada kala duwan ee Qarankeenuna ay diyaar u yahiin in ay difaacaan dalka iyo dadka-ba.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Guddida u sheegay in shaqadii uu u igmaday ay ka bilaabmayso maanta oo ay bishu tahay 01.02.2025, Guddidana looga fadhiyo inay hawshaas ku soo dhameys tiraan muddo soddon maalmood ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu hoosta ka xariiqay in Xukuumad ahaan ay mudnaanta koowaad siinayaan in nabad iyo wada hadal lagu dhameeyo xurguf kasta oo jirta, laakiin difaaca dadka iyo dalku uu yahay Waajib Qaran oo loo dhaariyey.
Madaxweynuhu waxa uu Guddida iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan uu u sheegay in casriyeenta iyo mideynta cududda Ciidamada kala duwan ee Qaranku ay dammaanad u tahay nabada iyo xasinoolida Qarankeena.
()