Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo kulan gaar ah la qaatay Jaamacadda caanka ah ee MAKERERE madaxdeeda ugu saraysa oo uu hogaaminayo gudoomiha Jaamacada Professor Wasma Balungwa iyo Goobo Waxbarasho oo kale + daawo Sawirada

0
301

Uganda ( Ceelgardinews.com ) :- Wafdigii uu hogaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta ee Jamhuuriadda Somaliland mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa ku guda jira booqashadii aqoon koradhsiga ahayd ee dalka UGANDA ayaa Maanta booqdeen dugsi sare oo boodhin oo lagu magacaabo KAWEMPE Muslim Secondary School oo ku yaala caasimada Kampala.

Wafdigu waxay kulan la qaateen maamulka iyo macalimiinta dugsigaasi, sidoo kale waxay kormeer kusoo mareen qaybaha uu ka kooban yihiin dugsiyadina , sida xafiisyada maamulka, fasalada wax lagu barto, laababka sayniska, goobaha ay ardaydu seexdaan iyo goobaha ay ku ciyaaraan. Waa dugsi ku shaqeeya mabaadiida islaamiga ah ardayda wax ka barataana ay badankoodu yihiin muslimiin.
Wafdigu wuxuu kaloo kulamo la qaatay maanta masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Waxbarashada dalka UGANDA, waxayna ka wada hadlaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen manhajka iyo xeerarka waxbarashada ee labad dal , Kulamadasi waxay ku soo dhamaadeen is afgarad iyo xoojinta xidhiidhka labada wasaaradood ee waxbarasho ee dalalka UGANDA iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale wuxuu Agaasimuhu kulan gaar ah la qaatay Jaamacadda caanka ah ee MAKERERE madaxdeeda ugu saraysa oo uu hogaaminayo gudoomiha Jaamacada Professor Wasma Balungwa, Jaamacadda Makerere waa Jaamacad dunida caanka ah waxay danaynayaan inay Somaliland soo booqdan si ay u indho indheeyaan xaalada waxbarasho iyo sidii ay xidhiidh ula samaysan lahaayeen wasaarada Waxbarashada Somaliland , Agaasimuhu wuxuu u sheegay in Wasaaradu imaka xooga saarayso tayada waxbarashada dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed sidaa dareeedna ay kusoo dhawaynayaan dalka hadii ay wasaarada wax kala qabanayaan arrimahaasi.
Wafdiga ayaa sii wadi doona kulamada iyo booqashooyinta uu ku tagayo goobaha waxbarashada ee dalkan UGANDA. Warbixinta wafdiga si joogta ah ayaanu idiinla wadaagi doonaa.

Halkan Hoose ka daawo sawirada