Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) : Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa maalintii shalay dhagax dhigay dugsi cusub oo ah Dugsi lagu baran doono farsamada gacanta.
Xaflada dhagax-dhiga waxaa Agaasimaha ku wehilinayay Wasiirka Cadaalaada Axmed Cadare, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, Badhasaabka Gobbolka Maroodijeex iyo Madaxa Haayada Turkiga ayaa shalay dhagax dhigay dugsi cusub oo Farsamada Gacanta ah oo laga hirgalin doono magaalada Hargeysa.
Maayirka Caasimada ayaa ku wareejiyey Wasaarada Waxbarashada dhulkii dugsiga farsamada gacanta laga dhisi lahaa, isla markaana uu ka gudoomay Agaasime Axmed Abokor iyo Haayada maalagalinta dugsiga hirgalinaysay.
Agaasimuhu waxa isla shalay casuumad qaddo sharafeed ah uu waftiga Turkiga ugu sameeyey hotel Maansoor, isla markaana waxa uu uga mahadnaqay caawimada ay dawlada Turkigu siiso dawlada Somaliland, isaga oo ku dhiirigaliyey inay Somaliland maalgashadaan isla markaana ay ka caawiyaan dib-u-dhiska kaabayaasha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka Iyo biyaha.
Daawo sawirada