Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudanr Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ku qaabilay Ciyaaryahan Cabdirisaaq Shabeel, oo ah haldoor u ololeeya xuquuqda iyo taageerada dadka laxaadkoodu xadidan yahay.
Wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaaluhu, iyada oo ka duuleysa baahiyaha gaarka ah ee dadka laxaadkoodu xadidan yahay, waxay dhismayaasheeda ka hirgelisay irrido iyo jidad sahlan oo u fududeynaya inay si xor ah oo sharaf leh ugu dhex socon karaan goobaha adeegyada wasaaradda.
Agaasimaha wasaaradda Maaliyadda JSL ayaa masuuliyiinta dawladda u soo jeediyay inay fursad u siiyaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba inay soo geli karaan xarumaha dawladda, si ay adeega dawladda uga qayb qaataan.
Cabdirisaaq Shabeel ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Agaasimaha iyo guud ahaan wasaaradda Maaliyadda inay tixgaliyeen codsigii ahaa inay xaq u helaan inay soo geli karaan wasaaradda.



















