Ambastorka Somaliland U Qaabilsan imraadka Carabta iyo Ajahnab Uu Wato Oo Ugaadhsi Ka Wada Gobolka Saaxil

0
301

Muddo Laba Cisho Ah Waxa Kusugan Bariga Magaalada Berbera ,Gaar Ahaana Tuulada Biyo Guure Agagaarkeeda Oo 20km Ku dhowaad U jirta Magaalada Berbera Wefti Shakibadan Geliyay Guud Ahaan Gobolka Saaxil Taasi Oo Hogaaminaayo Masuul Katirsan Madaxtooyada,Wadanka Emaaraadka ,

Waxaana Weftigani Sida Lasheegay Ka Koobanyahiin Ilaa ,19 ,qof Weftigani Ayaa Uu Gadhawadeen Ka Yahay Ambastorka Ufadhiya Somaaliland Waddanka Imaaraaka Carabta Am,Hirad

Waxaana Xogahu Intaasi Raacsheen In Weftigani Aya Wateen Baabuur Badan Oo Ay Madaxtooyada Somaaliland Leeday Iyo Ilaa 8,Askari Oo Ciidanka Policeka Ah Gaar Ahaana Kuwa Birmadka Looyaqaano

Wararka Ayaa Intaa Kudaraya In Ujeedka Socdaalka Kooxdani Uu Daaranaa,Inay Dalka Ku soo Galeen Dalxiisayaal.Balse Aya Arintaa Marqudha Ay Isrogtay Oo Ay Sheegeen Inay Ugaadhsanayaan Amaba Rabaan Ugaadha Ay Udhoofshaan Waddanka Emaraadka ,

Waxaana Lasheegay Inay Xukuumadu Ogaatay Arintaasi Ciidan, Kale  Kadaba Dirtay , Kadibna Muran Xoogani La Ogaaday ,

Ma Cada Waxa Lagu Heshiiyay Ee Laysku Afgartay,Balse Waxa Xusid Muddan Goobtaasi Taandhooyin Ay ka Dhisteen Oo Ay Wakhtigan Ku suganyahiin Kooxdii Oo Dhamaystirani ,Wararka Ayaa Intaa Kudarayaa Inay Kooxdani Wadatay Shibiraa Lagu Ugaadhsadon Ee Looyaqaano Baaska Oo Tababaran Waxaana Muuqata Inay Usoo Diyaar Garoobeen Inay Ugaadhsadaan ,

Sikastaba Ha Ahaatee Ma Cadda Talaabada Ay Xukuumadu Ka Qaadi Doonto Ambastorka Somaliland Mr Hirad iyo Waftigan Uu Wato