Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ahmed-Yassin Mohamed Faarax, ayaa maanta kulan midho-dhal ah la yeeshay Guddida Olombikada Qaranka Somaliland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Olampikada Qaranka Somaliland, Mudane Fu’aad Axmed Cali, iyo Guddoomiye-ku-xigeenka, Marwo Saamiya Cali Cismaan.
Kulanka waxaa sidoo kale qoobjoog ka ahaa Lataliyaha Wasiirka ee Arrimaha Xidhiidhada kala duwan iyo Olombikada Qaranka, Mudane Mubaarik Axmed Bare, kaas oo ka qeyb qaatay wada-hadallada iyo qorsheynta hawlaha.
Inta lagu guda jiray kulanka, Guddoomiyaha Olombikada Qaranka ayaa soo bandhigay Qorshaha Shaqo ee 12-ka bilood ee soo socda, kaas oo ka kooban hawlo istaraatiiji ah oo ay ku jiraan:
Qorshayaasha tababarro gudaha iyo dibadda ah.
Horumarinta xirfadaha ciyaartoyda, tababarayaasha & hawl-wadeenada ciyaaraha.
Ka qaybgalka tartamada caalamiga iyo kuwa qaaradda Afrika.
Kobcinta ciyaaraha haweenka iyo da’yarta Akadeemiyadaha ka soo baxaya.
Xoojinta xidhiidhada caalamiga ah iyo wada-shaqeynta hay’adaha ciyaaraha.
Wasiirka ayaa bogaadiyey qorshaha shaqo ee ay soo bandhigtay Guddidu, isagoo ku adkeeyay in Wasaaraddu diyaar u tahay inay ka taageerto dhinaca siyaasadda, miisaaniyadda iyo isku-duwidda si loo xaqiijiyo fulinta hawlaha qorshahan ku jira.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddida Olombikada Qaranka, Mudane Fu’aad Axmed Cali, ayaa sheegay in qorshahan 12-ka bilood ahi uu yahay tallaabo lagu mideynayo dadaallada ciyaaraha, isla markaana lagu gaadhayo himilooyinka qaranka ee horumarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada.