Baanka dhexe ee JSL iyo Ururka Sarriflayaasha ayaa heshiis ka gaadhay arrimo ka taagnaa dib-u-habaynta nidaamka sarrifka lacagaha iyo sarriflayaasha ee Somaliland, gaar ahaan qodobada la xidhiidha fiiga ruqsadsiinta sariflaha iyo lacagaha deebaajiga ah ee uu jideeyay Xeernidaamiyaha cusub ee maamulka sarifka xeernidaamiye Lr.03/2024.
Heshiiskan ayay Madaxda Baanka JSL iyo Guddiga Sarriflayaashu waxa ay xaqiijiyey in heshiiskan uu yahay tallaabo muhiim ah oo horumarineed oo lagu ilaalinayo xasilloonida dhaqaalaha iyo sumcadda nidaamka sarrifka ee Somaliland. Waxay sidoo klae sheegeen in heshiiskani xoojinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka, la dardargeliyo la socodka cadaalada iyo hufnaanta sarriflayaasha, isla markaana la dhiirrigeliyo jawi ganacsi oo deggan oo dhiirigalinaaya kalsoonida shacabka.
Heshiiskan oo lagu soo gunaanaday wada-hadal, is-fahan, iyo tanaasul dhaxal-gal ah ayaa horseed u noqon doona qorshayaasha dib u habaynta suuqyada lacagaha ee uu Baanka Dhexe gacanta ku hayo.



















