Daawo:-Barnaamijka “Ma ogtahay waxa jira wixii jiray” ayaan ku soo qaadan doonaa dhibaatada ka haysta dadka waddanka South Africa aan u dhalan oo loola dhaqmo si arxan daro ah + sawirada

0
363
Nashville,(Ceelgardinews.com)Waxaa gebi ahaan waddanka South Africa ka dhaca had iyo jeer dhibaatooyin lala beegsado dadyowga aan u dhalan wadanka waxaana dhibaatadaa horsed ka ah dadka waddanka u dhashay ee fiqiirka ah kuna nool meelaha uGu nolosha xun waddanka hadaba dadka lala beegsado dhibaatada joogtada ah oo ka kala yimid dalal isla Africa uun ah waxaa ka mid ah Soomaalida, Mozambique, Malawi iyo Zimbabawe hadaba dadka fiqiirka ah ee waddanka u dhashay ayaa ku andacooda in ay shaqooyinkoodii qaateen boqolaal ayay naftooda gooyeen kumanaana waa dhaawac kumaankun kalena waxaa lagu xereeyey oo ay u baro kaceen xeryo qaxooti, waxay dadkan faqiirka ahi u adeegsadaan dilka dadka Mindiyo. faasas, bistoolado, dubeyaal iyo wax alla wixii gacan qabsi ah ee ay helaan dukaamada oo markay biliqaystaan gubaan, bal hadaba daawo sida wax u dhacaan

Waxay dadkan qaxootiga ahi jarayaan taarka lagu wareejiyey dhinaca xaduuda ee South Africa la leedahay waddamada jaarka ay la tahay sida Zimbabwaen oo ka soo talowda dhinaca Musina ee South Africa sida ay xaqiijisay human rights group waxaa waddanka  Zimbabwae ka soo talaaba bishiiba 49,000 una soo talaaba dhinaca South Africa waxaana hada ku sugan 3,5 Million qaxooti bilaa sharci ah oo reer Zimbabwae ah
Qaxooti reer Zimbabwae ah oo ka talaabaya webiga  Limpopo River oo u dhow magaalada  Musina ee South Africa , Halkaa gubanaysaa waa meel ay deganaayeen dadyowga aan u dhalan waddanka waana caasimada Johannesburg waxaana hada dawladu u samaynaysaa meelo naftooda lagu illaaliyo dadka ay dhibaataynayaan dadka neceb dadka aan u dhalan waddanka dadka aan u dhalan waddanka ayaa hada waxay ku jiraan xaalad aad u adag oo ugaadhsi ah
Dadka madow ee nacaybku ka buuxo ayaa waxay bartilmaameed sadeen halka qaxoontiga uGu badani deganaa ee Reiger park oo ah duleedka Johannesburg.iyagoo ku gaashaaman warmo. seefo, mindiyo, dubeyaal, seefo, faashash iyo wixii ay qof bani’aadmi ah ku goyn karaan qudhiisa , Nin Polce South African ah ayaa dul maraya isagoon caawinayn nin u dhashay waddanka Mozambic oo ay dab sudheen hantidiisiina ay boobeen
Dadkii soo weeraray Reiger Park ee dadka waddanka aan u dhalani deganaayeen oo hada Police ku soo gaadhay waxaana lagu riday rasaasta rabadhka ah waxaana ka dhacday kabtay meeday way kala dareeriyeen tuugtii dadka laynaysay balse ma ku joogayaan maalin la kala diri waa dad aan shaqo hayn shaqona hada ka dhigtay hantidad dadka oo ay bobaan iyo dhiiga shacabka walaalahooda madow ee ay laynayaan iyagoon wax macno leh ku salaynayn dhibaatada
Dadka aan u dhalan waddanka ayaa cabsi xoogan la soo waajahaday waxaana la gubay guryahoodii , waxaa ku dhacay in ay debed galoobaan dabkan ku shitaan debeda si ay uga badbaadaan dilka foosha xun ee loo gaysanayo waana duleedka saldhig ciidamada Police leeyihiin oo la yidhaahdo Jeppe police qabowga ayaa ah mid daran xiliga habeenkii dab yar oo ay shiteen ayaa gacmaha lala wada tiigsaday
Ninkan ayaa dad nafta la galay meel kiniisad ah oo hada ay ku suagan yihiin dib uGu celinaya si amaankooda loo sugo waxaa kumaankun dad ahi mudaaharaad ka dhigeen badhtamaha Johannesburg si dawladu wax uga qabato dhibka UN ta ayaa u dhistay teendhooyin dadka barakacay waxaana safaf loogu jiraa bustayaal loo qaybinayo halkan oo ah meel ku meel gaadh ah loona bixiyey camp Germiston
Hooyadan ayaa afaafka hore oo teendho loo sameeey ka qooraansanaysa dad buuqaya waana Cape Town ka dib dhibaato ay u gaysteen dadka reer south Africa , qaxoontigan ayaa isku cidhiidhyaya meel laga siinayo waraaqaha qaxoontinimada refugee asylum permits dadka ka soo talaabaya dhinaca wadanka Zimbabwae ayaa ah xad dhaaf oo si aan kala go’ lahayn u soo talaaba
Waxaa luqunta kala soo jeeda tareenkan nin u dhashay waddanka Zimbabwae oo ka mid ah qaxoonti lagu celinaayo waddankoodii waxayna ka baxeen Johannesburg dhibaatada loo gaysto dadka aan u dhalan waddankan South Afrika ayaan ku koobnayn dadka soomaalida ah oo maalin walba aan maqalo waa la dillaa ama waa la dhacaa balse waxay beegsadaan wax alla wixii dad ah ee aan u dhalan waddanka waxaan intaa ku soo koobaynaa South afrika hadaba ha ka agfogaan Oodweyne waxan soo socda kuwo kale oo xiiso leh
ENG Abdirazak Yassin Maxamed
Nashville, TN