Boorama:-Safiirka Jamhuuriyada Somaliland ee Dalka Yemen oo Maamuusay Oday Dhaqameedka DDS.
Safiirka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya Dalka Yemen Mudane Idiris Aaden Raage ayaa kulan la qaatay Madax-dhaqameedka Beelaha Gadabuursi ee Deegaanka Soomaalida -Dalka Itoobiya, Madax-dhaqameedkani ayaa qayb ka ahaa soo Galbinta Ugaaska Beelaha Gadabuursi 21 August soo Gaadhay Boorama
Safiirka ayaa uga Mahadceliyay doorka oday ee ay ka qaateen in ay halkani wax soo gaadhaan islamarkaana Beelaha Samaroon ay ka wada shaqeeyaan iyagoo kaashanaaya Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya si ay Deegaanada Beelaha Gadabuursi uga gaaadhaan Barwaaqo iyo horumar.
Madax-dhaqameedka Beelaha Gadabuursi ee Deegaanka Soomaalida ayaa uga Mahadceliyay Amb Idiris Aadan Raage soodhawaynta , Martiqaadka iyo Casuumaada uu u fadiyay Mudadii ay Boorama Joogeen…seemor