BURBURKII NIDAAMKII MSBARE SAADAASHII RUMOWDAY LABA NIN OO UU SHEEGAY INAY SOMALIYA XUKUMI DOONAAN

0
629

Berbera (Ceelgardinews.com) 26kii Bishii janaayo sanadkii 1991 oo haatan laga joogo mudo 29sanadood ah ayaa xukunka laga tuuray keligii taliyihii MSBare oo mudo 21 Sanadood ah awooda maamul ee Soomaaliya gacanta ku hayey, xusuusta Bisha Janawari waxaa markale soo gelaysa 2.1.1995 maalintaas oo wiilkiisii Ayaanle Saxaafada u xaqiijiyey Dhimashada MSBare oo ku geeriyooday Dalka Nayjeeriya, 9 Ayaamood kadib ayaana Meydkiisa lagu aasay Magaalad Garbahaarey baahintii Galabnimo ee Idaacada BBC-da ayaa warka kadib sii daysay warbixin ku saabsan jawigii aaska siduu u dhacay, waxaana soo tebinaayey Maxamed Carab Falax-Falax, oo sanadihii u dambeeyey Maamulkii MSBare ahaa Agaasimaha Waaxda Idaacadaha Soomaaliyeed.

Taariikhda aaskiisuna waxay xusuusta Bulshada horkeentay 20sano ka hor 11.1.1975 ayaantaas oo la dilay 10 wadaad oo ahaa Haldoorkii Culimada Soomaliyeed, sababta Dilkooduna wuxuu ka dhashay markay si adag oo geesinimo leh uga horyimaadeen sharci loogu yeedhay XEERKA QOYSKA, oo nidaamkii MSBare soo saaray, qodobadiisana waxaa kamid ahaa in raga iyo dumarku simanyihiin, sharcigaas oo khilaafsanaa Suurata quraanka ee suuratu-Nisaa.

Dhinaca kalena xukunka MSBare oo ku aadanaa 21.10.1969 waxaa cimrigiisu ahaa 21 Sanadood dadka siyaasada ka faalooda ayaa ku fasiray inay ka koobnayd 3marxaladood oo ta ugu horaysa ka bilaabanaysay 1969-1975 Xiligaas oo ay jirtay hanaan maamul oo ku socda Asluub kala dambayn iyo wada tashi, warqadii koowaad ee axdigii kacaanka waxaa ku dhignaa 13 qodob oo saldhig u ahaa mabaadiida Kacaanka, qodobadii ku saabsanaa siyaasada Arimaha Debeda. Waxaa ugu muhiimsanaa in si dhab ah loo taageero dalalka Afrika ee ku jira gacanta Gumaysiga, balanqaadkaasna wuxuu noqday mid fulay, 1973 shirkii Midowga Afrika ee ka dhacay Rabaat-Marooko Somaaliya waxay hormuud u noqotay dalalkii loo xilsaaray xoreynta wadamada Afrikaanka ee Boortaqiisku gumaysan jirey, jabhadihii la dagaalamaayey mustacmarka oo xarumo lagu tababaro looga sameeyay Gudaha Somaliya, isla markaana ay la hawlgaleen Saraakiil laga soo xulay Ciidamada Soomaliya waxay guulo lagu diirsaday kasoo hooyeen dalalka Musanbiig, Angoola, iyo Gini waxaa kale oo xukuumadu ku guuleysatay joojinta dagaal ka dhexqarxi gaadhay Wadamada Tansaniya iyo Ugaandha.

 

Dhexdhexaadinta Afrika waxaa kacaanku uga gudbay qaarada Aasiya, sanadkii 1971kii dagaal ka curtay gooni goosigii bariga Pakistan haybadii iyo sumcadii wakhtigaa Somaliya lahayd, waxaa abuurmay laba dal oo walaalo ah Pakistan iyo Bangladhesh, Guulaha A.Debeda ka sokow kacaanku wuxuu isbedel gun iyo baar ah ka sameeyay Dhinaca A.Gudaha waxaa la balaadhiyey nidaamkii shaqo ee hay’adaha dowliga ah, xukuumadu waxay hirgelisay warshado mudo yar gudahood daboolay waxyaabihii debeda ka soo degi jiray, Iskaashatooyin iyo danwadaago wadani ah oo kacaanku abuuray ayaa sii labanlaabay xawligii waxsoosaarka gaar ahaan Kaluumaysigii iyo Beeraha, Barmaamijkii Iskaa wax u qabso oo si joogto ah ay uga qaybqaadan jireen dadweynaha iyo Masuuliyiinta sare ee Qaranka, waxaa deegaan walba laga sameeyey Iskuulo Dugsi hoose ilaa Dugsi Sare, Cisbitaalo, wadooyin, waxaa laga gudbay cidhiidhigii dhinaca tacliinta iyo culayskii dhakhtarada ka taagnaa, Waxbarasho iyo Caafimaad Bilaash ah ayaana shacbigu helay. Qoraalkii iyo Ololihii farsoomaaliga oo miyi iyo magaaloba gaadhsiiyey qiyaas la sameeyey xiliyadaasna   waxaa soo baxay in 50% Dadka soomaalidu waxna Akhriyaan/qoraana Dadaalka iyo horumarka kacaankuna wuxuu soo jiitay.

 

La Soco Qaybaha danbe

 

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf Saleebaan

0634264461