Wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, oo loo yaqaanno Janan, ayaa goor dhaweyd oo maanta ah soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka Kenya, sida ay xaqiijisay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.
Ilo xog ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay in diyaarad khaas ah oo ay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland la socdeen looga soo qaaday magaalada Kismaayo.
Janan oo baxsashadiisa si weyn loo hadal hayay ayaa la sheegay inuu hadda nabad qabo, wuxuuna ka gaabsaday inuu warbaahinta la hadlo.
Cabdirashiid Janan oo dhawan ka baxsaday xabsi ay ku heysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii hore ee maanta la sheegay in uu gaaray magaalada Kismaayo, sida ay ku warrameen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.
Sida ay booliska Soomaaliya sheegeen, Janan ayaa ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa ee Muqdisho, 28-kii January ee 2020-ka.
Telefishinka ay leedahay dowladda Jubbaland ayaa ku warramay in Janan uu hadda Kismayo ku sugan yahay.
Sida ay wararka sheegayaan, Cabdirashiid Janan wuxuu Kismaayo ku gaaray doon, balse ma cadda meesha ay doontaas ka soo qaaday.
Janan waxaa la xiray bishii August, 2019-kii waxaana lagu eedeeyay dambiyo culus” oo uu galay. Tan iyo xlligaas, hal mar ayaa maxkamad la horgeeyay.
Dowladda jubbaland waxay xariggiisa ku tilmaamtay afduub.
Ku xigeenka taliyaha booliska Soomaaliya, Sareeye-guuto Zakiya Xuseen, ayaa Talaadadii shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiida Janan. Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan Janan.
Wasiirka Amniga Jubblanad waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid “in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa”, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.
Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay “in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay”.