Coronavirus: Seynisyahanno u dhashay UK oo soo saaray dawo loogu talagalay Covid-19

0
355

Dawo cusub oo ay seynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska usoo saareen cudurka Covid-19 ayaa lagu tijaabiyay Isbitaalka Jaamacadda Southampton ee waddankaas.

Dawadan oo ay iska kaashadeen khubaro caafimaad ayaa ka kooban burutiin ama nafaqo lagu magacaabo ” interferon beta”, taasoo ah dhacaan uu jirkeenna soo saaro marka uu la kulmo fayras ku dhex faafaya.

Natiijooyinka hordhaca ah ee tijaabada lagu sameeyay dawadan ayaa la filayaa inay soo baxaan dhammaadka bisha June.

Waxaa hadda jira dawooyin shaqeynaya oo ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan inay ku xoojiyaan difaaca jirka dadka bukaannada ah.

Maxay tahay dawada cusub?

Maadada laga sameeyay dawadan waa dhacaannada ay soo saaraan unugyada unugyada difaaca jirka, marka ay la dagaallamayaan fayras soo food saaray, iyagoo jirka intiisa kaena ku wargalinaya inay dhibaato timid, sida uu sharraxayo Richard Marsden, oo ah madaxa shirkadda dawadan soo saartay ee lagu magacaabo Synairgen, oo fadhigoodu yahay magaalada Southampton.

Waxa uu sheegay in coronavirus uu u muuqdo in saameynta ugu weyn ee uu geysto ay tahay inuu daciifiyo unugyada difaaca jirkeenna.

Dawadan oo khaas ah waxaa loogu talagalay in ay awood siiso difaaca jirka ee la dagaallamaya fayraska, rajada ugu weyn ee laga qabana waa in ay joojiso fiditaanka uu fayraska ugu dhex faafo jirka iyo sidoo kae inay caawiso dadka uu markii horeba difaaca jirkoodu daciifka ahaa.

 

Xigasho BBC Somali.com