“Meeshu waa isku raran, meel aanu soo marno ayaanu waynay” taliyaha ciidanka dab-demiska Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa sidaa yidhi.
Taliye Sawaaxili ayaa sheegay in 2 caruur ahi dabka ku nafwaayeen isla markana la baadhayo sababta dabka dhalisay.
Caruurta geeriyootay ayaa waxa dhalay askari booliis ah oo xiliga masiibadu dhacaysay hawlgal ku maqnaa.
Mayorka caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in ka dowlad hoose ahaan ay garab istaagayaan qoyska dhibatadu ku dhacday.
“Waanu usoo jeedayna doorkayagana waanu qaadanayna dowlad hoose ahaan” ayuu yidhi mayor Mooge.
“Askariga shaqada qaranka ku maqana qaran kiisu wuu garab istaagaya, waanu la murugoonaynaa” ayuu hadalkiisa ku daray mayor Mooge.
Labada caruura ayaa mayd kooda loo qaaday isbitaalka wayn ee Hargaysa oo lagu hayn doono inta laga aasayo.