Dawladda Imaaraat-ka oo xalay saqdii dhexe dadka Somaliland ee Qurbaha ka imanaya

0
4
Dawladda Imaaraat-ka oo xalay saqdii dhexe dadka Somaliland ee Qurbaha ka imanaya ku soo rogtay safaaradda Soomaaliya ee Dubai inay Visa ha dal ku galka ka soo qaataan.
Dad xalay soo gaadhay Imaaraatka oo ila soo xidhiidhay ayaa dhacdadan ii xaqiijiyay, waxaanay u muuqataa Dawladda Imaaraat-ku inay ka cadhootay war-saxaafadeedkii Dawladda Qadar ka soo saartay kulankii ay la yeelatay Madaxweyne Cirro.
Dawladda Imaaraat-ka ayaa shaki wayn ka qabtay siyaasadda Xukuumada hase yeeshee safarka qadar ayaa soo shaac saaray inaanay xukuumadda Wadani diyaar u ahayn inay sii wado xidhiidhkii dublamaasiyadeed ee hore u jiray.
Qalinkii
Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto